Ciyaarta 17-jirrada Soomaaliya iyo Sudan oo garsooreyaal loo magacaabay

Tuesday September 04, 2012 - 23:45:03
0 Comments
2124
Shaafici Muxyidiin
Xiriirka kubada cagta qaarada Afrika ee CAF ayaa magacaabay garsooreyaasha dhex dhexaadinaya lugta hore ee ciyaaro ka tirsan is reebreebka tartanka dhalinyarada da’doodu ka yartahay 17-ka sano ee qaarada Africa.


Lugta hore ee ciyaartan ayaa ka dhici doonta magaalada Khartuum ee xarunta dalka Sudan 21-ka bishan halka lugta labaadna ay ka dhici doonto magaalada Jabuuti oo xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cgta u ah gurigiisa ku meel gaarka ah.

Ciyaartaas ayaa waxaa xeer ilaaliye loogu m agacaabay khabiir u dhashay dalka Kenya oo la yiraahdo Maxamed Cumar Abuubakar, sida lagu sheegay war saxaafadeed rasmi ahoo kasoo baxay guddiga garsoorka ee CAF.

Qoraalka ay sii deysay CAF ayaa garsooraha dhxeda ee ciyaarta waxaa loogu magacaabay Aadan Cabdi Jamaal halka calan wadayaasha 1-aad iyo 2-aad ay kala yihiin Xasan Yaciin Cige iyo maxamuud Ciil tire cabdullaahi dhamaantoodna waxaa ay u dhasheen dalka Jabuuti.

Xasan Cige waxaa uu ka mid yahay calan wadayaasha ugu fiican gobalka bariga iyo bartamaha Africa waana nin da’yar. Sarkaalka afaraad ee ciyaartan ayaa loo magacaabay Aadan Axmed oo u dhashay dalka Sudan.

Xulka Soomaaliya  waxaa sanadkan ay waayeen mid ka mikda ragii laf dhabarta u ahaa kooxda U-17 kaas oo Alle ha unaxariistee cabdul Qaadior Dheere Xuseen oo bishii July dabley hubeysani ku toogteen magaalada Muqdisho, waxaana dilkiisa siguud uga hadlay xoghayaha guud ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Cabdi Qani Saciid Carab, guddoomiyaha kubada cagta Aduunka Sep Blatter, guddoomiyaha Caf Ciise Xayaatu iyo xoghayaha guud ee CECAFA Nicholas Musonye.

Laakin maamulaha xulka qaranka Soomaaliya Mudane Yaxye Maxamed Abuukar (yaxye Aayow) ayaa sheegay in kooxdu ay si weyn u diyaar garowday una qabo rajo buuxda oo ku aadan  in guul la taaban karo ay tartankaas ka keenaan.

Somali Football Federation Media Department

Email:somalifootballmedia@gmail.com

 

 



Leave a comment