Koobka General Daa’uud oo furmay

Tuesday August 21, 2012 - 19:01:31
0 Comments
2400
Shaafici Muxyidiin
Waxaa shalay oo isniin ahayd ka furmay garoonka jaamacadaha ee magaalada Muqdisho tartanka koobka General Daa’uud oo ah tartan caan ah oo sanadkiiba mar uu qabto xiriirka Soomaaliyeed eekubada cagta.


Tartankan ayaa waxaa ka qeyb galaya 12 kooxood waxaana cayaartii ugu horeysay ay shalay dhex martay kooxaha Elman iyo Dahabshiil cayaartaas oo ugu dambeyntii kusoo idlaatay 4-1 ay guushu ku raacday naadiga Elman.

Guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Cali Saciid Guuleed Rooble ayaa furitaankii tartankan ka sheegay in xiriirku uu ahmiyad weyn siiyo tartankan oo lagu maamuuso General Daa’uud Cabdulle oo ahaa aas aassihii ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed.

“Horyaalka heerka 1-aad lugtiisii hore way dhamaatay waxaana la geliyay hakad sababtoo ah bisha Ramadaan waxaana dib loo bilaabi doonaa 14-ka September ka horna waxaan qabaneynaa General Daa’uud Cup sida ku cad qorshe howleedka xiriirka”ayuu yiri guddoomiye Cali Siciid Guuleed.

Kooxda Elman waxaa sadex gool u dhaliyay ciyaaryahanka la yiraahdo  Maxamed Nuur cabdi daqiiqadihii 3-aad, 7-aad iyo 56-aad halka goolka afaraadna uu u dhaliyay Cabdullaahi Yuusuf Cusmaan daqiiqadii 24-aad ee qeybta hore ee cayaarta,

Kooxda Dahabshiil goolka keliya waxaa u dhaliyay ciyaaryahanka la yiraahdo Khaladiin Maxamed cabdulqaadir daqiiqadii 40-aad ee qeybta hore ee cayaarta

Intii ay socotay cayaartii shalay waxaa calaamado kala duwan la siiyay ciyaartoyda  magacyadoodu hoos ku cad yihiin

ELMAN 

Name

 

Number

 

Date

 

Minute

 

Caution

 

Abdullahi yusuf Osman

 

11

 

20/Aug 2012

 

80th

 

R Card

 

DAHABSHIIL


Name

 

Number

 

Date

 

Minute

 

Caution

 

Nur Ibraahim Ali

 

2

 

20/Aug 2012

 

45th

 

Y Card

 

Abdirisak Isak Sheik

 

4

 

20/Aug 2012

 

77th

 

Y Card

 

Zakariye Abokar Nur

 

6

 

20/Aug 2012

 

80th

 

Y Card

 

Somali Football Federation Media Department

Email:somalifootballmedia@gmail.com

 

 

 


Leave a comment