Madaxda xiriirka kubada Cagtu waxay shaaca ka qaadeen in Karbetkii uu soo gaaray Magaalada Muqdisho maalintii Arbacadii oo khamiistiina lasoo dajiyay, xili shir jaraa’id ay si wada jir ah u qabanayeen wasiiru dowlaha Sportiga cabdullaahi Sheekh
Xoghayaha guud ee xiriirka Cabdi Qani Saciid carab wuxuu sheegay in garoonkan oo ay dhisme ka waday FIFA uu dagaal qabsaday ku dhawaad 4 sanadood ka hor taasina ay keentay in uu dhismihii Istaago laakin hada dib loo bilaabay.
“Waxaan aad uga mahad celineynaa FIFA dhismaha garoonkan iyo taageerada joogtada ah oo ay siiso xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta, hada waxaa la keenay cowskii artifishaalka ahaa waxaana dhiman qalab aan badneyn oo ay ka mid yihiin carro iyaduna artifishaal ah oo loogu tala galay garoomada noocan oo kale loo dhisayo iyo alaabooyinb kalen oo ay shirkada EMECO sheegtay in dhawaan ay dalka soo gaari doonaan”ayuu yiri xoghayaha guud Cabdi Qani Sacid Carab. Waxaa uu xoghayaha guud sheegay in booqashadii madaxda xiriirka iyo wasaaradu ay maanta ku tageen garoonka ay ahayd tii sadexaad tan iyo intii garoonku dib ugusoo laabtay gacanta xiriirka bishii August ee sanadkii tagay, waxaana uu intaa raaciyay in taasi ay muujnineyso sida uu usii kobcayo xiriirka wada shaqeyneed ee u dhexeeya wasaarada iyo xiriirka kubada cagta Soomaaliyeed.
“Waxaan gacan ka helnay dowlada Soomaaliya oo naga caawisay soo dajinta qalabkan oo canshuur dhaanfa noogu sameysay, waana uga mahad celineynaa”ayuu shirka jaraa’id ka sheegay xoghayaha guud. Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Cali Saciid Guuleed oo isna halkaa ka hadlay ayaa sheegay in FIFA ay balan qaaday dhismaha garoonkan iyo midka weyn ee Stadium Mogadishu lana rajeynayo in marka dhismaha garoonkani dhamado kan kale la bilaabo.
Garoonkan Stadium Mogadishu ayaa waxaa dhistay dowlada shiinaha sanadkii 1978-kii waxaana uu Guddoomiyaha SFF wuxuu ka dalbaday dowlada Soomaaliya in ay gacan weyn ka geysato arrimaha amaanka garoomada iyo maalagelinta xulka qaranka Soomaaliyeed oo hada kuwa 17 jirada ka yar ay kusoo fool leedahay ciyaar ay la yeelan doonaan dalka Sudan dhamaadka sanadkan.
Wasiiru dowlaha Sportiga cabdullaahi Sheekh Cali waxaa uu isna sheegay isagoo ku hadlayay afka dowlada in uu uga mahad celinayo FIFA dadaalka ay ku bixineyso taakuleynta kubada cagta Soomaaliya oo uu sheegay hadii aan FIFA gacantaas ka geysateen in kubadda cagta Soomaaliyeed ay bur buri lahady 21-kii sano ee lasoo dhaafay. “Kubada cagtu waxay muhiimad weyn u leedahay nabada iyo is dhex galka busladha waana taas mida aan xooga u saareyno wada shaqeynta xiriirka iyo wasaarada waana sii adkeyneynaa dhankeena wixii tabar ahna waan ka getysanaynaa”ayuu yiri wasiirka oo laga codsaday in dowladu ay laami marsiiso banaanka hore ee garoonka si masuuliyiinta imaaneysa ay u helaan meel parkin ah xiliyada ay cayaaruhu socdaan.
“Dhismaha garoonku wuu soo dhamaan doonaa xili dhow waxaana u sheegeynaa ganacsatada soomaaliyeed in ay gacan ka geystaan horumarinta kubada cagta---waan ognahay in marka dhismaha garoonku uu dhamaado in ay u baahan doonaan meelo ay xayeysiinadooda kusoo bandhigtaan marka waxaanu leenahay hada inta la idin baahayahay gacan ka geysta”ayuu yiri wasiirka oo hadalkiisa ku carabaabay shirkadaha isgaariisiinta ee Horumuud, Nation iyo Telcom Somalia iyo sidoo kale shirkadaha xawaaladaha sida Dahabshiil iyo Amal iyo salaam Bank.
NB:Sawirro dheeri ah ka daaloco qeybta Englishka www.somsoccer.com/english
Somali Football Media Department
Emal:somalifootballmedia@gmail.com