TACSI Tiiraanyo leh

Saturday June 02, 2012 - 12:02:27
0 Comments
3049
Shaafici Muxyidiin
Alle ha u naxariistee waxaa magaalada Muqdisho ku geeriyooday Aabe Xasan Xeyle oo ah aabaha dhalay garsoore Heer Caalami Cabdul Qaadir Xasan Xeyle waxaana dhamaan bahweynta kubada cagta Soomaaliyeed ay ka tacsiyadeynayaan geeridan naxdinta leh.


tacsidan waxa diraya guddoomiyaha ku meel gaarka ha Cali Saciid Guuleed Rooble, Guddoomiye ku xigeenka arrimaha gobalada Cabdullaahi Abow Xuseen, Xoghayaha guud Cabdi Qani Saciid Carab, ku xigeenka xoghayaha Xasan Maxamed Maxamuud dhamaan xubnaha guddiga fulinta, madaxa xafiiska wax barashada Cali Maxamed Axmed, guddoomiyaha guddiga garsoorka Cusmaan Jaamac Diraac, Madaxa xafiiska warfaafinta Shaafici Muxuyadiin,dhamaan garsooreyaasha, macalimiinta iyo ciyaartoyda u diiwaan gashan xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta.

Waxay maxruumka eebe uga baryayaan in uu naxariistii Jano ka waraabiyo qoyskii iyo eheladii uu ka baxayna samir iyo IImaan ka siiyo.

AAMIIN

INAA LILAAHI WA INAA ILEYHI RAAJICUUN… GEERIDU WAA XAQ.

 

SOMALI FOOTBALL MEDIA DEPARTMENT

Email:somalifootballmedia@gmail.com

 



Leave a comment