Maxaa ka cusub tartanka k/Cagta Jaaliyada Soomaaliyeed ee magaalada Jidda?

Saturday May 12, 2012 - 17:47:32
0 Comments
2349
Shaafici Muxyidiin
Ciyaaro ka tirsan Koobka Horyaalka Jaalliyadda Soomaaliyeed Magaalada Jidda ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa la qabtay 11/05/2012 waxaana kooxuhu isu arkeen sedan: Jubba Airways waxay madaxa isla galeen L L P P – halka Xiddigaha Kakane iyo Iftin Stars ay wada cayaareen iyadoo Waberi Star ay la cayaartay Bakool iyadoo Blue Stars iyo Fc Alba-na ay cayaar adagi dhex martay.


Aan ku horeyno ciyaarta dhexmartey Kooxda Jubba Airways  iyo L  L P P  ciyaartaasi aheyd  ciyaar aan la sadaalin  Karin Natiijadeeda  waayo kooxda LLPP waxey ciyaartoydeeda ku sameeyeen Dib u habeen isla markaana la is lahaa wacdaro ayey soo bandhigi doonaan laakiinse ciyaartaasi qeybteeda hore waxey kusoo gabagabowdey 0 : 0, kooxda Jubba Airways oo beryahan looga bartey ciyaar wanaag ayaa waxey bedeleen Taktiigii ay kusoo galeen qeybta hore ee ciyaarta iyadoo guddoomiye C/risaaq Iimaan  Xalane uu kooxda kula dardaarmey intii lagu jirey waqtiga nasashada inay la soo baxaan awoodii ay kooxda laheyd iyo farsamadii lagu yiqiiney kooxdana  aysan fududeysan kooxda ka soo horjeeda.

Bilowgii qeybta labaad ciyaarta  Kooxda Jubba Airways waxey lasoo gashey dar dar hor leh iyadoo ay heleen Rigoore fursadaasina uu ka qasaariyey Ciyaaryahanka Xaajiyow kuma niyada jabin kooxda jubba hase ahaatee waxey heleen  fursado badan waxey halkaasi ku dhaliyeen 4 gool oo isdaba joog ah waxaa u kala dhaliyey ciyaaryahana kala ah  No.9 Amiin Xasan Muudeey 1gool - No.18 Xasan Muuse  1gool ugu dambeyn No. 10 Zakariya 2gool.

Sidaasina ay ciyaarta kusoo idlaatey 4 : 0 oo ay Kooxda Jubba Airways kaga Guuleysatey kooxda LLPP.

Ciyaartii labaad ayaa iyana waxaa fooda is darey Kooxda x.Kakane   iyo Kooxda Iftin Star  ciyaartaasi waxaa la dhihi karaa mid labada kooxood ba ay isku awood ahaayeen. bilowga ilaa iyo dhamaadka ciyaarta waxey labada kooxdood  ku soo bandhigeen ciyaar heerkeeda farsamo aad u sareyso waxeyna isku mari waayeen  1 : 1.

Ciyaartii sadexaad ayaa iyana waxey dhexmartey kooxaha Waberi Star  iyo bakool  runtii waxey iyana ciyaartaasi aheyd mid adag ,labada kooxood ay isku awood ahaayeen iyadoo kooxda Bakool  ay la soo shir tageen ciyaaryahanadii looga bartey , kooxda waberi Star  iyana ciyaartasi aad moodey inaysan ka soo tegin ciyaaryahanadeeda kuwa ugu fiican waxaan halkaasi ugu awood sheegteen Bakool  inay 1 : 0 kaga badiyaan .

Ciyaartii afaraad ayaa iyana waxaa halkaasi kuwada kulmi kooxaha Blue Star iyo FC Alba waxaan ciyaartaasi soo xaadirin Kooxda FC-Alba waxaana dhibcihii si fudud ku qaatey Kooxda Blue Stars .

NB:Waxaa soo diyaariyay xafiiska Warfaafinta Maamulka Kubada  Cagta Jaaliyada Soomaaliyeed ee Magaalada Jeddah

Somali Football Federation Media Department

Email:somalifootballmedia@gmail.com

 



Leave a comment