Beled-weyne oo 3-2 kaga adkaatay Guri-ceel

Monday May 07, 2012 - 19:13:06
0 Comments
2949
Shaafici Muxyidiin
Degmada Beled-weyne ee gobalka Hiiraan ayaa 3-2 kaga adkaatay cayaar saaxiibtinimo oo kubada cagta ah oo ay kala hortageen degmada Guri Ceel ee gobalka Galgaduud ee dariska la ah.


Cayaartan saaxiibtinimo ayaa ahayd tii ugu horeysay ee wiilasha kubada cagta ee labada degmno ay isaga hor yimaadaan muddo 3 sanadood ah oo gobalka Hiiraan uu ka talinayay maamulkii Ururka Al-shabaab waxaana mudadaas kubada cagta ay mamnuuc ka ahayd gobalka oo dhan.

Cayaarta saaxiibtinimo ee labada degmo dhex martay ayaa 5-tii bishan waxaa ay ka dhacday degmada Guriceel waxaana garsoore ka ahaa Cali xasan Beyle oo ka mid ahaa dhalinyaro bishii hore tababar garsoorenimo ku qaatay Magaalada gaalkacyo ee Galmudug.

Tababarkaasi waxaa uu qeyb ka ahaa barnaamijka horumarinta kubada cagta gobalada ee xiriirka Soomaaliyeed uu wado.

Guddoomiyaha xiriirka kubada cagta ee gobalka Galgaduud ahna masuulka xiriirka Soomaaliyeed ugu qaabilsan zone-ka sadexda gobalka ee Shabelaha Dhexe, Hiiraan iyo Galgaduud Cabdirashiid Aadan Rooble (Shig Shigow) oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay in wafdiga gobalka Hiiraan si fiican loogusoo dhaweeyay deegaanka uuna ku faraxsan yahay in degmadiisu noqotay degmadii ugu horeysay ee marti gelisa ciyaar degmooyin labada gobal ka tirsani ay isugu yimaadaan muddo 3 sanadood ah.


Labada deegaan ayaa sanadihii lasoo dhaafay waxaa kala maamulayay Ururka A-shabaab iyo Ururka Ahlu Suna oo xiriir la leh dowlada federalka ku meel gaarka ah ee Soomaaliya.

“Inkastoo degmadeyda laga adkaaday waliba iyadoo gurigeeda joogta hadana aad ayaan ugu faraxsanahay in ciyaartoyda labada gobal ay isu gudbayaan oo wada cayaarayaan—waxaan aad ugu mahad celineynaa xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta oo naga gacan siinaya horumarinta kubada cagta ee gobalada”ayuu yiri guddoomiye Cabdirashiid Aadan Rooble.

Xoghayaha guud ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Cabdi Qani Saciid Carab ayaa ku amaanay masuuliyiinta labada gobal ee Hiiraan iyo Galgaduud kaalinta ay ka qaadanayaan dib usoo nooleynta tartamadii dhexdooda ahaa.

“Tani waa sidii xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagu uu in muddo ahba rajeynayay---sii socoshada cayaaraha kubada cagtu waxaa ay qeyb weyn ka qadaneynsaa horumarinta kubada cagta ee gobalada dalka oo dhan” ayuu war saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay xoghayaha guud Cabdi Qani Saciid Carab oo maanta dalka dib ugusoo laabtay kadib markii uu magaalada Qaahira kagasoo qeyb galay shirkii xiriirka kubada cagta Africa ee CAF.

Waxaa uu xoghayaha guud sheegay in xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagtu uu horay u diyaariyay barnaamij lagu horumarinayo kubada cagta gobalada dalka oo dhan kaas oo ilaa iyo iminka natiijooyin wax ku ool ah laga gaaray.

Xoghayaha guud waxaa uu carabka ku adkeeyay in tababarradii kala duwanaa ee bishii hore ka dhacay magaalada Gaalkacyo ay qeyb ka ahaayeen barnaamijka horumarinta goballada natiijooyinka laga gaarayna ay ka mid tahay in ragga dhalinyarada ah ee hada dhex dhexaadiyay cayaartii ka dhacday Guri Ceel ay ka mid ahaayeen kuwii lagusuoo tababaray Gaalkacyo bishii lasoo dhaafay ee April.

Somali Football Federation Media Department

Email:somalifootballmedia@gmail.com

 


Leave a comment