Cayaarihii ugu dambeeyay tartanka Kubbadda Cagta Jaaliyadda Somaaliyeed ee Jidda

Thursday May 03, 2012 - 08:33:36
0 Comments
2325
Shaafici Muxyidiin
Ciyaaro xiiso gaar leh oo ka tirsanaa Tartanka koobka Horyaalka ee jaalliyadda soomaaliyeed Magaalada Jidda , Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa taariikhdu markey aheyd 27/04/2012 waxey dhex martey kooxaha Banaadir iyo Midnimo ciyaartaasoo runtii aheyd mid lawada sugaayey waayo labada kooxood waxaa u safta ciyaaryahano caan ah isla markaana magac weyn ku leh magaalada jidda daafaheeda .


Ciyaartii waxey  ku  bilaabatey mid labada kooxoodba ay weeraro is dhaafsadaan difaacuna uu u jilbo dhigeyo weerardaasi is daba jooga ahaa waxey socotaba qeybtii hore kooxda Banaadir aya waxey heleen goolkoodii ugu horeeyey  .

Markii leysugu soo laabtey qeybta labaad oo ay wadatashi soo sameyeen labada kooxood ayaa qeybta dambe ee ciyaarta weji ka bedelan kii hore lasoo galey naadiga Banaadir waxaa  usuurto gahsey inay goolkii 2aad  ka dhaliyaan kooxda Midnimo iyagoo halkaasi kooxda Midnimo iyaguna gool qura dhaliyaan  .

Ciyaartiina waxey kusoo   idlaatey 2 : 1 oo ay guusha ku raacdey kooxda Banaadir

Mar aan wareysi la yeelanay gudoomiyaha kooxda  Banaadir   Maxamed Macalin Yuusuf  (ISBUUNYO )  wuxuu yiri Wacdaraha Ciyaaryahanada kooxda Banaadir  weli fari kama qodna inkastoo ay hal guuldaro kala kulmeen kooxda Jubba Airways  wixii intaasi ka dambeysayna dib u habeyn lagu sameeyey qaab ciyaareedka kooxda iyadoo tababare Cumar kubri uu amaantaasi leeyahay .

Ciyaartii labaad ayaa iyana waxey dhex martey  kooxaha Xidigaha Sharbatle  iyo Jowhar united ciyaartaasoo aheyd mid ay kooxda reer sharbatle ku awood sareeyeen waxey halkaasi ku soo bandhigeen ciyaar farsamadeedu sareyso waxey  kaga guuleysteen kooxda Jowhar United  4 – 1  Walow Tababare Maxamed Xasan iyo Guddoomiye C/naasir ay ciyaartaasi soo safeen Ciyaaryahano Awoodooda farsameed aad u sareyso una suurto geshey inay natiijadaasi kaga badiyaan kooxdii kasoo horjeeday ee Jowhar United .

Ciyaartii sedexaad ayaa iyana ku kulmey kooxda Dharkanley iyo FC-Alba  labada kooxoodba waxey soo bandhigeen ciyaar aad loogu riyaaqey wallow kooxda dharkanley ay dhirbaaxo la heshay kooxda FC-Alba waxey kaga badiyeen  3 – 1 .

Ciyaartii afaraad ayaa iyana waxaa fooda isla galey kooxaha Batroolka iyo Waaberi Star  ciyaartaasoo aheyd mid natiijadeedu la saadaalin karey waayo kooxda batroolka oo ah koox aan la dhayalsan Karin iyadoo ay guusha ku raacdey kooxda batroolka 5 : 0

Ciyaarahaasi waxaa xeer ilaaliyeyaal ka ahaa Sayed Cali (AJKA) - Cali Cambuulo – C/qaadir Seylac – Abii – Yacquub Axmed – Salaax Baajaabir – Maxamed Aweys

NB:Wixii faafaahin ah kala xiriir maamulka Jaaliyadda cinwaanada hoose

Jedsomsport@hotmail.com  ama Jedsomsport@gmail.com

Somali Football Federation Media Department

Email:somalifootballmedia@gmail.com

 



Leave a comment