Banaadir Telecom oo markii ugu horeysay guuleysatay

Friday February 11, 2011 - 21:11:15
0 Comments
5763
Shaafici Muxyidiin
Markii ugu horeysay tan iyo intii tartanka horyaalka kooxaha heerka 1-aad uu magaalada Muqdisho dib uga bilaabmay bishii lasoo dhaafay ayaa kooxda Banaadir Telecom ay gaartay guushii ugu horeysay, waxaana ay 3-1 uga adkaatay kooxda dhigeeda ah ee Supper Sheel.


Kooxda Banaadir oo laba jeer  oo hore lagasoo badiyay ayaa maanta u muuqatay in ay ka go’neyd in ay guul gaarto, waxaana ciyaartoydeedu ay daqiiqadihii hore ee cayaartaba bilaabeen weeraro is daba joog ah oo ay ku qaadayeen goolka kasoo horjeeda.

 

Weeraryahanka kooxda Banaadir Mustaf Mukhtaar Cali ayaa gookiii ugu horeeyay u dhaliyay kooxdiisa daqiiqadii 10-aad ee qeybta hore waxaana lagu kala nastay 1-0 ay hogaanka ku heysay Banaadir Telecom.

 

12 daqiiqadood kaddib bilowgii qeybta dambe ee cayaarta ayaa Banaadir ay heshay goolkii 2-aad waxaana u dhaliyay cayaaryahanka la yiraahdo Maxamed Faarax Cabdi oo cayaarta ka dhigay 2-0, hase ahaatee Xasan Maxamed Cabdi ayaa goolka keliya u saxiixay kooxdiisa Supper Shell daqiiqadii 74-aad ee qeybta dambe ee cayaarta.

 

Si kastaba ha ahaatee Cabdirisaaq Maxamed Cilmi ayaa goolka sadexaad uguna dambeeyay u dhaliyay kooxdiisa waxaana ay cayaartaasi kusoo idlaatay 3-1 ay guushu ku raacday kooxda Banaadir Telecom oo guushani ay u ahayd tii ugu horeysay tan iyo 21-kii Janaayo markii tartanka horyaalka heerka 1-aad uu dib u bilaabmay.

 

Cayaartii maanta ayaa waxaa daawashadeeda kasoo qeyb galay madaxda sar sare ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Guddoomiye saciid Maxamuud Nuur, iyo ku xigeenadiisa Cali Saciid Guuleed Rooble iyo Cabdullaahi Abow Xuseen.

 

Intii cayaartii galabta ay socotay ayaa waxaa ganaaxyo la siiyay dhowr cayaaryahan sida shaxda hoose ku cad.

 

 

Banaadir Telecom

 

Name

Number

Date

Time

Caution

Said Osman Ahmed

20

Feb 11

16th minute

Yellow

Mohamed Aden Moalim

22

Feb 11

20th minute

Yellow

Adil Nur Ali

3

Feb 11

40th minute

Yellow

Mohamed Farah Abdi

17

Feb 11

57th minute

Yellow

 

 

Supper shell

 

 

Name

Number

Date

Time

Caution

Ali Muridi Mohamed

12

Feb 11

30th minute

Yellow

Mohamed Abdullahi Aboki

16

Feb 11

80th  minute

Yellow

Abdaladif Ahmed Mohamed

10

Feb 11

82nd minute

R Card

 

 

Somali Football Federation Media Department

+25250 930226 Office

+252699 969815 Cell

+2521 600601 Fax

Email:somalifootballmedia@gmail.com



Leave a comment