Hiiraan oo ka badisay Sh/ Hoose iyo Banaadir iyo Sool oo is Mari waayay

Monday December 20, 2010 - 04:43:04
0 Comments
4510
Shaafici Muxyidiin
Iyadoo Garoonka Kubada Cagta Mire Awaare ee magaalada Garowe ay si xiiso leh uga soconayaan Cayaaraha 18-aad ee goballada dalka Soomaaliya ayaa galabta waxaa dhacay cayaaro aad u xiiso badan oo dadweyne aad u farabadani usoo daawasho tageen.


Sida Caadiga ah waxaa maalin kasta la qabtaa laba cayaarood ,waxaana cayaartii hore ee maanta ay dhex martay xulalka goballada Shabeelaha Hoose iyo Hiiraan, waxaana cayaartaasi ay kusoo idlaatay 3-2 oo ay guushu ku raacday xulka gobalka Hiiraan.

 

Cayaartan waxaa garsoorayay Garsoore caalami Nuur Maxamed Cabdulle,halka calan wadayaasha 1-aad iyo 2-aadna ay kala ahaayeen Saalax Cumar Abuukar iyo Cali Xuseen Malaaq.

 

Garsooraha 4-aad ee cayaartani waxaa uu ahaa Cabdullaahi Cusmaan Xaaji iyadoo xeer ilaaliyena uu ka ahaa Bashiir Maxamuud Geeseey.

 

Labadan gobal waxaa ay ku wada jiraan Group-ka A, waxaana gobalka Shabeelaha Hoose uu hada noqday gobalkii ugu horeeyay ee tartanka isga hara,maadama gobalka Nugaal uu horay 1-0 ugasoo badiyay Gobalka Shabeelaha Hoose.

 

Dhanka kalana cayaartii 2-aad ee maanta dhacday ayaa waxaa ay dhex martay xulalka Goballada Banaadir iyo Sool, cayaartan oo ka mid ahayd cayaarihii ugu kululaa tan iyo intii tartanku bilowday.

 

Inkastoo qeybtii hore ee cayaarta lagu kala nastay 1-0 uu gobalka Sool ku hogaaminayay ayaa hadana 90-kii daqiiqadood ee loogu talagalay waxaa cayaartaasi ay kusoo idlaatay bar bar dhac1-1 ah.

 

Cayaarta waxaa garsoorayay  Xasan Wiish oo Somali-Danish ah,halka calan wadayaasha 1-aad iyo 2-aadna ay kala ahaayeen Muqtaar Macacalin Yuusuf iyo Maxamed Xasan Fiidow.

 

Garsooraha 4-aad waxaa uu ahaa Aweys Nuur Maxamed halka Xeer ilaaliyaha cayaartuna uu ahaa Cali Cabdi Maxamed.
 

Tartanka 18-aad ee kubadda Cagta Soomaaliya oo muddo 22 sanadood ah aan la qaban ayaa waxaa sanadkan loogu magac daray ( tartanka goballlada ee nabadda iyo horumarinta Soomaaliya).

Saraakiil caafimaad oo ka socda Ururka Bisha Cas ayaa ku sugnaa garoonka si ay u caawiyaan cayaartoyda dhaawacyadu soo gaaraan sida aad ka arki kartid sawirka hoose.

  

Somali Football Media Department

 

+252699 969815 Cell

+25250 930226 Office

+2521 600601 Fax

 

Email:somalifootballmedia@gmail.com



Leave a comment