Cayaaraha 18-aad ee goballada Soomaaliya oo furmay & Nugaal oo ka badisy Sh/ Hoose

Thursday December 16, 2010 - 09:50:40
0 Comments
3213
Shaafici Muxyidiin
Waxaa garoonka Mire Awaare ee magaalada Garowe si ramsi ah uga furmay tartanka 18-aad ee kubada cagta gobalada Soomaaliya oo sanadkan loogu magac daray ( tartanka goballlada ee nabadda iyo horumarinta Soomaaliya).


Cayaartii ugu horeysay ayaa waxaa ay dhex martay xulalka goballada Nugaal iyo Shabeelaha Hoose, waxaana hardan badan kadib ay xulka gobalka Nugaal ugu awood sheegteen dhigooda Shabeelaha hoose 1-0.

 

Cayaarta oo ahayd mid aad u adag ayaa waxaa daawashadeeda kasoo qeyb galay madaxweynaha maamul gobaleedka Soomaaliyeed ee Puntland Dr.Cabdiraxmaan Maxamed Faroole, Guddoomiyhaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda Cagta Saciid Maxamuud Nuur, Guddoomiye ku xigeenada xiriirka Cali Saciid Guuleed, Cabdirashiid Xaashi Baki, Cabdullahi Abow Xuseen ,Xoghayaha guud Cabdi Qani Saciid Carab, wasiiro, xildhibaano, iyo tobanaan kun oo daawadayaal ah.

 

Madaxweyne Faroole ayaa lagu sharfay in uu laado kubadii ugu horeysay waxaana uu kadib ku dhawaaqay in tartanku uu furanyahay.

 

Cayaarta ka hor ayaa waxaa munaasabad aad u weyn oo lagu maamuusayay furitaanka tartanka lagu qabtay xarunta Jaamacadda Puntland State University waxaana munaasabadaas kasoo qeybgalay masuuliyiin ka tirsan maamul gobaleedka Puntland iyo xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta, iyadoo sidoo kalana ay goobta fadhiyeen cayaartoyda mataleysa gobalada dalka Soomaaliya.

 

Duqa magaalada Garowe ee marti gelineysa tartanka gobalada Soomaaliya Cabdi Casiis Nuur Cilmi oo ugu horeyn munaasabada furitaanka hadal ka jeediyay ayaa ku amaanay gobalada sida wanaagsan oo ay isusoo abaabuleen. “Kusoo dhawaada gacma furan”ayuu yiri duqa oo hadalkiisa ku wajahayay wakiilada iyo cayaatoyda ka socota gobalada kale ee dalka.

 

Guddoomiyaha gobalka Nugaal Cabdi Xersi Cali oo isna munaasabada ka hadlay ayaa sheegay in wakiilada ka socda gobalada ee hada jooga Nugaal ay u sameeyeen wax kasta oo karraankooda ah, amaankuna uu yahay 100% mid aad loo adkeeyay.

 

“Maanta waxaan marti gelineynaa 15 gobal waxaana ku rajo weynahay in sanad kasta aan halkan ku marti gelino cayaaraha gobalada dalka”ayuu munaasabada furitaanka ka sheegay guddoomiyaha gobalka Nugaal oo intaa kadibna cod baahiyaha kusoo dhaweeyay xoghayaha guud ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Cabdi Qani Saciid Carab.

 

Xoghayaha guud eyaa ugu horeyn Dowlada Puntland uga mahad celiyay ogolaashaha ay ogolaatay in ay marti geliso tartankan oo uu sheegay in muddo dheer qaban-qaabadiisu soo socotay.

 

“Tani waa tallaabo taariikhi ah maxaa yeelay waa markii ugu horeysay ee 15 gobal la isugu keeno cayaaraha gobalada dalka taariikhda inta la ogyahay, waxaana taas amaanteeda leh madaxweynaha Puntland oo dhabarka u dhigtay marti gelinta tartankan áyuu yiri xoghayaha guud Cabdi Qani Saciid Carab.

 

“Markii ugu dambeysay ee la qabto tartanka gobalada waxaa ay ahayd 1987-kii, waxaana aad ugu rajo weynahay in tartankan sanadlaha ah aanu qabano sanad kasta hada kadib”ayuu xoghayaha guud hadalkiisa sii daba dhigay.

 

Waxaa uu sheegay in muhiimadda ugu weyn ee tartankan laga leeyahay ay tahay in in lagu dhiiri geliyo nabada iyo is dhexgalka dadka ku kala irdhoobay gobalada kala duwan ee dalka Soomaaliya in ka badan 20 sandood oo lasoo dhaafay.

 

Waxaa uu sheegay in xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta oo kaashanaya maamul gobaleedka Puntland uu muddo 2 sanadood ah soo waday abaabulka tartankan maantana lagu guuleystay in uu furmo.

 

“Waxaan rabnaa in tartankan aanu ka xulano cayaartoy mustaqabalka Soomaaliya ku matala cayaaraha caalamiga ah, sidoo kalana waxaan dooneynaa in dhalinyarada Soomaaliyeed aan tusno in ay isu imaan karaan oo wax wada qabsan karaan”ayuu xoghayaha guud ka sheegay munaasabadii furitaanka tartankan.

 

“Dowladda Puntland way ku mahadsan tahay talaabada geesinimada leh oo ay qaaday iyo culesyka intaa la eg oo ay dhabarka u ridatay” ayuu yiri Mr. Cabdi Qani oo kaddibna cod baahiyaha kusoo dhaweeyay guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta Saciid Maxamuud Nuur.

 

Guddoomiyaha ayaa sheegay in madaxweynaha Puntland iyo shacabkiisuba ay sameeyeen wax aan horay loo arag, sidaa darteed ay taariikdu xusi doonto.

 

“15-ka December waxaan u aqoonsanay maalinta is dhex galka iyo nabadda Soomaaliya, sababtoo ah riyadeenii ayaa noo rumowday”ayuu guddoomiyaha Xirirka Soomaaliyeed ee kubada cagtu ka sheegay munaasabadii furitaanka tartanka.

 

’Waxaan aad ugu mahad celinayaa guddoomiyaha FIFA Sep Blatter oo iyadoo Soomaaliya dagaalo ka jiraan hadana u istaagay in kubada cagta Soomaaliyeed ay sii shaqeyso horumqrna gaarto”ayuu gudoomiyuhu hadalkiisa sii daba dhigay.

 

“Anigoo ku hadlaya magaca guddiga Olombikada Soomaaliyeed waxaan Xiriirka Kubada cagta ku amaanayaa howshan baaxada weyn oo uu qabtay, xiriirada kalana waxaan ku dhiiri gelinayaa in ay ku daydaan xiriirkan”ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee guddiga Olombikada Soomaaliyeed Duran Axmed Faarax oo hadal gaaban ka jeediyay  munaasabada furitaanka.

 

“Waxaa ay ii tahay farxad aan la qiyaasi karrn in maanta aan arko dhalinyaro Soomaaliyeed oo usoo diyaar garoobay cayaaraha gobalada marlkii ugu horeysya in ka badan 20 sanadood kadib”ayuu yiri Mudane Duran.

 

Ugu dambeyntii Wasiirka Isboortiga ee Maamul gobaleedka Puntland Maxamed Nuur Cagweyn ayaa sheegay in  gobalka Puntland uu diyaargarow adag u galay marti gelinta cayaaraha kubada cagta goballada Soomaaliya taasina ay tahay sumcad weyn oo gobalkan iyo shacabkiisu ay hanteen.

 

“Cayaartoyda ka timid gobalada kala duwan ee dalka waxaan leenahay waxaad timaadeen dhulkiinii ee soo dhawaada waana inoo farxad in aad maanta nala joogtaan”ayuu wasiirku u sheegay maamulayaasha iyo cayaartoyda ka kala yimid gobalada dalka Soomaaliya.

 

Si kastaba ha ahaatee cayaaraha kubada cagta gobalada Soomaaliya ee nabada iyo horumarinta oo socon doona tan iyo 31-ka bishan waxaa ay ku bilowdeen jawi daganaan leh iyadoo maalin kastana ay dhici doonaan laba cayaarood.

 

Cayaarta hore ee maanta waxaa ay dhex mari doontaa xulalka goballada Sool VS Gedo iyo Mudug VS Banaadir  oo ka wada tirsan group-ka B.

 

15-ka gobal ee tartanka ka qeyb galaya ayaa waxaa loo qeybiyay 4 Group waxaana ay kala yihiin sidan soo socota.

 

Group A Nugaal, Hiiraan iyo Shabeelaha hoose

 

Group B  Sool, Mudug , Banaadir iyo Gedo.

 

Group C Bari, Shabeelaha dhexe, Bakool iyo Jubada dhexe.

 

Group D Sanaag, Jubada hoose, Bay iyo Galgaduud.

 

 Somali Football Media Department

 

+252699 969815 Cell

+25261 5582980  Cell

+25250 930226 Office

+2521 600601 Fax

 

Email:somalifootballmedia@gmail.com



Leave a comment