Guddoomiye Saciid Maxamuud Nuur iyo ku xigeenkiisa 1-aad Cali Saciid Guuleed Rooble ayaa ku sugan magaalada Dooxa oo ay ku tageen marti qaad ay ka heleen xiriirka kubada cagta dalka Qadar si ay uga qeyb galaan daawashada cayaarta adag ee dhex mareysa xulalka
Dalka Qadar oo doonaya in uu marti geliyo koobka kubada cagta aduunka sanadka 2022 ayaa waxaa uu casuumay dhamaanba dallalka saaxiibtinimada dhow ay kala dhexeyso oo madaxdooda kubada cagtu ay caawa ka qeyb galayaan daawashada cayaartan adag.
“Waxaan u rajeynayaa dalka Qadar in uu ku guuleysto marti gelinta koobka aduunka sanadka 2022-ka”ayuu yiri gudodoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Mudane Saciid oo isagoo ku sugan magaalada dooxa maanta saxaafada la hadlay.
Xiriika kubada cagta dalka Qadar ayaa sheegay in hadii uu ku guuleysto marti gelinta koobka aduunka mudada bisha ah ee tartankaasi socdo jiifka iyo cunadaba ay si bilaash ah ku heli doonaan madaxda kasoo qeyb gasha furitaanka cayaarata taass oo ah mid aan horay u dhicin tariikhda kubada cagta aduunka.
Somali Football Media Department
+25250 930226 Office
+2526 99 969815 Cell
+2521 600601 Fax
Somali Football Media Department