Macalimiinta garsoorka Soomaaliya oo tababar kaga qeyb galaya Tanzania

Thursday November 11, 2010 - 13:48:05
0 Comments
3891
Super Admin
Magaalada Dar Salem ee dalka Tanzania waxaa ka soconaya tababar caalami ah oo loo qabanayo macalimiinta garoorayaasha Qaarada Afrika, waxaana Soomaaliya tababarkaas ku matalaya 4 macalin oo horay garsooreyaal caalami ah u ahaan jiray.

Seminaarkan oo magiciisu yahay  {FUTURO III course} oo ay qabanaqaabiso FIFA ayaa waxaa ka qeyb gala dhamaan wadamada adduunka iyadoo afrika loo kala qeybiyo 2 qeybood oo kala ah {Wadamada Englishka ku hadla iyo kuwa Faransiiska ku hadla}.

 

Tababarkan ayaa waxaa hada ka qeyb galaya macalimiin ka kala socota dalalka luqada Englishka ku hadla ee Qaarad Afrika oo Soomaaliyana ay ka mid tahay.

 

Cali Maxamed Axmed (Cali-saciid) oo ka mida macalimiinta Soomaaliya tababarka ku matalaya ayaa sheegay in ilaa iyo iminka ay qaateen casharo aad wax tar u leh.


 

"Casharo  dhaxal gal ah ayaa lagu qaadanayaa tabarkan waxaana duruusta halkan aanu ka qaadanay uga faa’iideyn doonaa garsooreyaasha ku sugan gudaha dalka ee aan wali fursada u helin tababarkan oo kale”ayuu yiri Cali Saciid oo maanta saxaafada la hadlayay isagoo ku sugan magaalada Dar Salem ee dalka Tanzania.

 

Seminaarka ayaa waxaa lagu qaadanayaa casharo ku saabsan macluumadkii ugu dambeeyay ee kusoo kordhay xerearka kubada cagta iyo habka ugu fudud ee macalimiintu kusoo saari karaan garsooreyaal cusub.

 

Hadaba seminaarkan oo soo bilowday 8-dii bishan November xirmayana 13-ka isla bishan ayaa waxaa soomaaliya uga qeyb gelaya macalimiinta kala ah:

 

 

1. Cali Maxamed Axmed (Cali-saciid)

2. Xasan Maxamed Maxamuud (Xasan farey)

3. Aweys Axmed Jimcaale (dhega-cadde)

4, Xasan Sheylilla Cadde (Sheyllila)

 

 

Somali Football Media Department

+25250 930226   Office Telephone

+2526 99 969815   Cell phone

+2521 600601        Fax

Email:somalifootballmedia@gmail.com

 


Leave a comment