Cayaaraha gobalalda oo lagu dhawaaqay xilliga ay furmayaan

Monday November 08, 2010 - 18:34:38
0 Comments
3290
Shaafici Muxyidiin
Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta iyo maamul gobaleedka Puntland ayaa si wada jir ah ugu dhawaaqay xilliga rasmi ahaan ay furmayaan cayaaraha kubada cagta ee nabada iyo horumarinta gobalada dalka.


Kadib kulamo is daba joog ah oo dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay magaalada Garowe ay ku yeelanayeen masuuliyiinta xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta iyo maamulka Puntland ayaa waxaa shalay gelinkii dambe si rasmi ah loogu dhawaaqay in cayaaraha kubada cagta gobaladu ay furmi doonaan 15-ka bisha December ee dhamaadka sanadkan.

 

Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Mudane Saciid Maxamuud Nuur iyo wasiirka Isboortiga maamul gobaleedka Soomaaliyeed ee Puntland Maxamed Nuur Xersi ayaa shir jaraa’id oo ay ay ku qabteen xarunta wasaarada Isboortiga Puntladn kaga dhawaaqay in cayaaraha gobalada ay si rasmi ah garoonka Mire Awaare ee magaalada Garowe uga furmi doonaan bartamaha bisha December ee inasoo aadan.

 

Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubada cagta Saciid Maxamuud Nuur ayaa sheegay in talaabo taariikhi ah ay tahay in iyadoo dalku xaaladan adag marayo la qabto cayaaraha gobalada markii ugu horeysay muddo 20 sanadood ah.

 

“Ujeedadu waxaa ay tahay in la horumariyo kubada cagta gobalada bulshadii kala irdhowdayna la isugu keeno kubada cagta”ayuu yiri guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Saciid maxamuud Nuur oo ka hadlayay shalay gellinkii dambe shir jaraa’id oo ka dhacay magaalada Garowe.

 

“Aniga oo ku hadlayay magaca xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta waxaan u mahad celinayaa madaxweynaha maamulka Puntland,golihiisa wasiirada iyo shacabkaba sida ay dhabarka ugu dhigteen marti gelinta 15 gobal oo ka qeyb galaya cayaaraha gobalada sanadkan”ayuu hadalkiisa sii daba dhigay Guddoomiye Saciid.

 

Wasiirka isboortiga ee maamulka Puntland Maxamed Nuur Xersi oo isaga iyo guddoomiyuhu ay si wada jir ah shir jaraa’id u qabteen ayaa sheegay in maamulkiisa iyo xiriirku ay qeybsadeen waxyaabaha ku baxaya qabashada tartankan.

 

“Maamulka Puntlad waxaa uu bixinayaa jiifka iyo cunada wufuuda iyo cayaartoyda ka imaaneysa gobalada dalka, wuxuu kaloo damaanad qaadayaa amaanka iyo caafimaadka, halka Xiriirka Soomaaliyeedna uu bixinayo tikidhada dadka gobalada ka imaanaya, abaalmarinada kala duwan wax Ala wixii qalab isboorti ah isla markaana uu dayac tirayo garoonka Mire Awaare oo cayaaruhu ka dhici doonaan”ayuu wasiirku ka sheegay shirka jara’id ee dhacay shalay gellinkii dambe.

 

Tartankan ayaa xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagtu uu ugu magac daray “Tartanka nabada iyo horumarinta gobalada dalka”, iaydoo looguna tala galay in la isugu keeno dadkii kala irdhoobay tan iyo markii dagaalada sokeeye ay ka bilaabmeen Soomaaliya.

 

Somali Football Media Department

+25250 930226   Office Telephone

+2526 99 969815   Cell phone

+2521 600601        Fax

Email:somalifootballmedia@gmail.com

 



Leave a comment