Kooxda Valencia oo ka fiirsaneysa fasaxa David Villa.!!

Monday September 01, 2008 - 13:15:38
0 Comments
2142
Shaafici Muxyidiin
Wararka ka imaanaya xarunta naadiga Valencia ee wadanka Spain ayaa sheegay in kooxdu ay ka fiirsan doonto fasaxitaanka weeraryahankooda halista ah ee David Villa...

kaddib markii si isku mid ay ciyaaryahanka ula soo xiriireen kooxaha Real Madrid iyo Chelsea.

Iyadoo kooxda Real Madrid ee wadanka Spain ay todobaadkii hore kooxda Valencia u soo bandhigtay adduun lacageed oo gaaraya 47-milyan oo Yuroow, ayaa guddoomiye ku xigeenka Naadiga Valencia Fernando Gomez wuxuu sheegay in ilaa iyo hadda maamulka kooxda Valencia aysan soo gaarin codsiyo rasmi ah oo tilmaamaya in ciyaaryahanka lagala wareego, laakiin wuxuu sheegay in ay ka fiirsanayaa fasixitaanka ciyaaryahankan oo laf dhabar u ah kooxdooda.

Vicente Soriano oo ah guddoomiyaha kooxda Valencia ayaa isna dhiniciisa sheegay in ay aad u adagtahay in la fasaxo Villa, hase ahaatee haddii ay ku helaan dhaqaale xoog leh ee looga samri karo laacibka gool dhaliyaha ah ay iibinayaan, wxuuna carrabka ku dhiftay qoraal ay ka heleen Madrid oo uu sheegay in ay ka salgaarayaan.

 Kooxda Valencia waxaa ku jirtaa dhibaatooyin dhaqaale, maadaama kooxdu ku howlantahay  dhisme garoon cusub iyo is bedel dhinaca maamulka ah, waxaana kooxda oo ka soo dhacday kaalimaha hore ee horyaalka Spain ay hadda  ka fikireysaa sidii ay xal uga gaari laheyd dhibaatooyinka baahsan ee soo garay kooxda ee sababay dib u dhaca xooga leh.



Leave a comment