Xulka U-17 oo ku dur-duriyay kooxda Al-shaxaniya ee dalka Qadar

Tuesday August 31, 2010 - 03:46:35
0 Comments
3088
Shaafici Muxyidiin
Cayaartodya xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka yartahay17-ka sano ayaa caawa 2-0 ugu awood sheegtay kooxda Al-Shaxaniya ee dalka Qadar intii ay socotay cayaar saaxiibtinimo oo ku dhex martay garoonka Kooxda Al-Shaxaniya ee magaalada Dooxa.

Cayaarta oo ahady mid aad u adag ayaa waxaa garsoore ka ahaa garsoore u dhashay dalka Qadar oo xiriirka kubada cagta dalkaasi uu soo magacaabay waxaana 90-kii daqiiqadood ee cayaartu socotay hogaanka u hayay xulka Qaranka Soomaaliya oo soo bandhigay cayaar farsamadeedu aad usareysay oo soo jiidatay dhamaanba daawadayaashii garoonka ku sugnaa.

 

Daawashada cayaarta ayaa waxaa kasoo qeyb galay guddoomiyaha naadiga Al-Shaxaniya, iyo maamulaha kooxda halka dhanka Soomaaliyana ay cayaartaas daawanayeen Xoghayaha guud ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Cabdi Qani Saciid carab,maamulaha kooxda U-17-ka Soomaaliya Yaxye Maxamed Abuukar iyo Bashiir Yuusuf Fox oo ka mid ahaa xulka qaranka kubada koleyga Soomaaliya sanadihii u dhexeeyay 1978-1987-kii hadna ah macalinka naadiga kubada koleyga Rayaan ee dalka Qadar.

 

Qeybtii hore ee cayaartu waxaa ay ku dhamaatay 1-0 oo ay Soomaaliya ku hogaamineysay waxaana goolkaas xulka Soomaaliya u saxiixay Cayaaryahanka la yiraahdo Nuur Xuseen Cabdi halka goolkii labaadna uu xulka Soomaaliya u dhaliyay Cayaaryahan Jibriil Xasan Fariid.

 

Markii cayaaru dhamaatay kadib ayaa guddoomiyaha naadiga Al-Shaxaniya waxaa uu si weyn ugu mahad celiyay xulka Soomaaliya  oo uu ku tilmaamay koox rajo fiican leh.

 

“Kooxda Soomaaliya waxaa ay soo bandhigtay cayaar wanaagsan oo xeelad sare leh iyadoo waliba ka timid dal bur brusan oo dagaalo ay hareeyeen waxaana ku amaanaynaa howshaas wanaagsan madaxda xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta, macalimiintooda iyo cayaartoyda oo u dhabar adeygay dhibaatdaas adag in ay ku shaqeeyaan”ayuu yiri guddoomiyaha naadiga Al-Shaxaniya ee dalka Qadar oo xoghayaha guud Cabdi Qani Saciid carab  la hadlayay cayaatrtu markii ay soo idlaatay kadib.

 

Kooxda qaranku waxaa ay cayaarta tan xigta ee saaxiibtinimo la yeelaneysaa kooxda heysata horyaalka dalka Qadar ee la yiraahdo Al-Gharafa Sports club maalinta Arbacada ah ee inasoo aadan waxaana cayaartaasi ka dhici doontaa garoonka kooxda Al-Gharafa.

 

Xulka U-17-ka Soomaaliya oo todobaadyadii lasoo dhaafay ku tababar qaadanayay dalka Qadar ayaa u diyaar garoobaya cayaar ka mida is reeb reebka koobka dhalinyarada Afrika oo ay la yeelanayaan dhigooda dalka Masar kadib markii ay horaantii sanadkan kusoo dur duriyeen xulka dhigooda ah ee dalka Kenya.

Xulka 17 jirrada ka yar ayaa 2-da bisha inasoo aadan ee September kazoo tagi doona magaalada Dooxa waxaana 3-da bisha ay gaari doonaan magaalada Qaahira oo cayaatrta hore ay ka dhici doonto 6-da bisha sida horay loo qorsheeyay, halka cayaarta labaadna ay ka dhici doonto magaalada Alexandria 10-ka bisha Septermber.

 

Sida caalamiyan ah waxaa ay ahayd in labada cayaarood midkood lagu qabto Soomaaliya laakin dagaalada iyo amaan darrada jira awgood uusan xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagtu dalka gudihiisa ku marti gelin Karin cayaaro caalami ah waxaana sidaa awgeed xiriirada kubada cagta ee dalalka Masar iyo Soomaaliya ay isku afgarteen in laba magaalo oo kala duwan oo isla dalka Masar ah cayaaruhu ka dhacaan.



 

Somali Football Media Department

+25250 930226 Telephone office

+2521 600 601   Fax

Email:somalifootballmedia@gmail.com



Leave a comment