Kooxda Milan oo diyaar u ah in ay KAKA ka iibiso Chelsea.!!

Monday September 01, 2008 - 15:40:32
0 Comments
2253
Shaafici Muxyidiin
Kooxda K/cagta ee AC Milan ee wadanka Talyaaniga ayaa dooneysa in ay KAKA ka iibiso kooxda Chelsea ee wadanka INgitiiska sida laga soo xigtay ilo muhiim ah oo ku sugan wadanka Talyaaniga...

waxaana maal qabeenka kooxda Chelsea uu sheegay in ay ku faraxsanyahay in warka sheegaya in Milan ay diidi weysay qiimaha lacageed ee ay u soo ban dhigeen bishii hore.

Jariidada The Daily Star ee wadanka Ingiriiska ayaa iyana maanta qortay in kooxda Milan ay ka jeesan kari la'dahay qiimaha lacageed ee kaashaka ah oo ay Chelsea miiska soo saartay, kaas oo gaaraya 70-milyan oo Pound oo noqoneysa lacagtii ugu badneyd ee ebis lagu kala iibsado ciyaryahan ka k/cagta ciyaara.

Iyadoo ay cadahay in Kaka uu yahay ciyaaryahanka ugu horeeya ee liiska adeega kooxda Chelsea ayaa haddana waxaa jira warar kale oo ah in tababaraha kooxda Chelsea Phil Scolari uu diyaar u yahay la soo saxiixashada laacibka weerarka ee xulka Brazil iyo kooxda Real Madrid Robinho, waxaana Phil  uu sugayaa go'aanka ugu dambeeya ee kooxda Madrid ee ku aadan gadiska ciyaaryahankan.

Riyo rumowday ayay u noqoneysaa kooxda Chelsea, haddii sida qorshuhu yahay uu Kaka yimaado kooxda magaaladda London, waxaana milkiilaha kooxda Chelsea maal-qabeenka la yiraahdo Ibrahimovic uu sheegay in kaashka Kaka uu diyaar yahay, wuxuuna saxaafadda ugu gudbiyay farriin ah in mushaarkiisu noqon doono inta uu codsado, taas oo aan waxba ka dhibeynin koontada lacageed ee kooxda Chelsea.



Leave a comment