Macalinkii hore ee xulka qaranka oo geeriyooday

Saturday May 29, 2010 - 15:06:30
0 Comments
3169
Shaafici Muxyidiin
Maxamed Xuseen Cali Skeekhaalow oo ahaa cayar yahan hore oo qaran marna soo qabtay xulka qaranka kubada cagta Soomaaliya ayaa saaka waabarigii ku geeriyooday magaalada Muqdisho, sidaasina waxaa lagu sheegay war saxaafadeed kasoo baxay xiriirka soomaaliyeed ee kubada cagta maanta.


“Soomaaliya waxaa ay weysay macalin khabiir ahaa kana mid ahaa xulka qaranka soomaaliya oo xusuustiisu ay waligeed ku raagi doonto maskaxda bahweynta kubada cagta Soomaaliya”sidaasi waxaa lgu sheegay war saxaafadeedka xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagtu uu maanta oo saaray.

 

“Dhimashada deg dega ah ee sheekhaalow waxaa ay nooga dhigantahay daqiiqad naxdin iyo murugo leh iyo weynta nin ku weynaa kubada cagta Soomaaliyeed”ayaa lagu sheegay war saxaafadeedka.

 

War saxafadeedka waxaa lagu sheegay in macalinkan hore uu si dhaqso ah u geeriyooday saakay goor hore markii wadnha loogasoo booday isagoo dhex marayay degamada Xamar weyne ee magaalada Muqdisho.

 

Alle ha u naxartiistee sheekhaalow waxaa uu ku dhashay magaalada Muqdisho sanadku markuu ahaa 1955-kii, waxaan markii ugu horeysay uu garoomada kubada cagta kusoo shaac baxay sanadkii 1972-kii isagoo xiligaas u cayarayay degmada Shibis cayaarihii degmooyinka gobalka Banaadir.

 

Degmada Shibis oo uu sheekhaalow u safnaa waxaa sanadkaas ay ku guuleysatay koobka, isagana waxaa loo aqoonsaday cayaaryahankii ugu gool dhalinta badnaa isagoo dhaliyay 14 gool.

 

Cayaartii wanaagsanayd ee uu xiligaa muujiyay ayaa Sheekhaalow u horseeday in isla sanadkaas loo magacaabo xulka qaranka soomaaliyeed in uu ka mid noqdo, waxaana uu ahaa weeraryahan aad u fir fircoon.

 

Waxaa uu xulka soomaaliya ku matalay cayaaro badan oo caalami ah,kuow qaaradeed iyo kuwo gobaleed intaba,ka hor intii sanadku markuu ahaa 1986-kii uusan gebi ahaanba cayaaraha ka fariisan,iyadoo wixii xiligaa ka dambeeyayna wuuu macalin kasoo noqday xulka qaranka iyo naadiyo kala duwan oo ay ka mid yihiin Kesco,Dekedaha iyo kuwo kale.

 

Sanadihii u dhexeeyay 2000-2003-dii Waxaa Sheekhaalow uu macalin ka ahaa mashruuca horumarinta dhalinyarada kubada cagta ee gobalka Hiriaan ee dhaca bartamaha Soomaaliya,waxaana uu ku guuleystay in uu soo saaro cayaaryahano aad u fara badan.

 

Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta ayaa ku dhawaaqay sadex maalmood oo baroordiiq qaran loo sameynayo macalinkan hore,waxaana buuga tacsida laga furay xarunta xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta oo dad badani ay iska diiwaan gelinayeen tan iyo markii saaka lagu dhawaaqay geerida sheekhaalow.

 

Alle ha u naxariistee Sheekhaalow waxaa uu ifka kaga tagay 9 caruur ah iyo hal xaas, waxaana Alle kaga baryaynaa in uu naxariistii jano ka waraabiyo.

 

 Somali Football Media Department

 

+2521 600000 Telephone

+2521 600601 Fax

 

Email:somalifootballmedia@gmail.com

 



Leave a comment