Macalin Soomaaliyeed oo wacdare ka dhigay tababar caalami ah oo ka dhacay dalka Jarmalka

Saturday May 22, 2010 - 12:07:29
0 Comments
2912
Shaafici Muxyidiin
Macalinka kooxda Beach soccer-ka Soomaaliyeed ee dalka Switzerland Axmed Maxamed Axmed (Gaab) ayaa wacdare weyn ka muujiyay tababar caalami ah oo ka dhacay dalka Jarmalka ayna ka qeyb galeen macalimiin si weyn caalamka looga yaqaano.


Tababarkan oo loogu magac daray
DFB(German FA) B-License  International Coaching Course ayaa waxaa ka qeyb galay 80 macalin oo caalamka daafihiisa ka kala yimid waxaana lagu xulay oo dhibcihii loo baahnaa ku gudbay 30 macalin oo uu ka mid yahay macalinka da’da yar  ee Soomaaliyeed Axmed Maxamed Axmed (Axmadeey Gaab).

 

Tababare Axmed ayaa noqday macalinka 4-aad ee ugu sareeya 30-ka macalin  ee la xulay waxaana taasi ay tahay guul weyn oo usoo hoyatay shacabka Soomaaliyeed oo dhan.

 

Koorsadan oo socotay intii u dhexeysay 3-15-kii bishan May ayaa waxaa ay ka dhacday Xarunta weyn ee Hannef Sport School Cologne ee dalka Jarmalka waxaana koorsadan caalamiga ah soo abaabulay xiriirka kubada cagta dalka Jarmalka.

 

Macalin Axmedeey ayaa sheegay in u jeedada uu koorsooyinkan caalamiga ah uga qeyb qaadanayo ay tahay in uu kaalinta kaga aadan ka qaato dadaalada lagu horumarinayo kubada cagta Soomaaliya ee uu xiriirka Soomaaliyeed uu wado.

 

“Inakstoo aan leyliyo kooxda beach soccer-ka Soomaaliyeed ee Switzerland hadana waxaan doonayaa in aan si dhaqso ah dalka ugu laabto si aan aqoonteyda ugu gudbiyo xulalka kubada cagta U-17 iyo U 20 ee dalkeyga”ayuu yiri Macalinkan Soomaaliyeed Axmed Maxamed Axmed (Gaab).

 

“Tababarka aan ka qeyb galay wax weyn ayaan kasoo kororsaday, aqoonta aan soo helayna soomaali ayaan usoo qaaday,waana gaarsiin doonaa dadkeyga”ayuu hadalkiisa sii daba dhigay Macalinku.

 

Koorsada waxaa bixiyay macalinka weyn ee la yiraahdo Horst Kriette oo  ah macalin sumcad weyn ku leh caalamka oo dhan waxaana uu masuul ka ahaa tababarka iyo sare u qaadista xulka qaranka Soomaaliya sanadihii u dhexeeyay 1980-1989-kii.

 

“Axmed waa macalin da’ yar oo aqoontiisuna sareyso, waxaana ku rajo weynahay in uu wax weyn ka badali doono xulka qaranka Soomaaliyeed” sidaasi waxaa yiri macalinka koorsada bixinayay Horst Kriette oo Axmed-na ku dhiiri geliyay in uu dadaalkiisa sii laba jibaaro.

 

“Bandhiga uu sameeyay Axmed intii koorsadu socotay aad ayuu ii qanciyay waana ku kalsoonahay in uu wax weyn ka badali karo farsamada kubada cagta Soomaaliyeed”ayuu macalinku mar kale yiri isagoo sheegay in uu Soomaaliya jecelyahay.

 

Xoghayaha guud ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Mudane cabdi Qani Sacid carab ayaa ugu hambalyeeyay Macalin Axmed guusha uu gaaray iyo macaga Soomaaliyeed oo uu sare u qaaday maadaama uu si weyn uga dhex muuqday tababarkii Jarmalka ka dhacay.

 

“Waxaan leeyahay  Macalin Axmed  sii wad dadaalkaaga, waana hubaa in uu kubada cagta Soomaaliyeed wax weyn u tari doono”ayuu yiri xoghayaha guud ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta cabdi Qani Saciid Carab.

 

“Anigaoo ku hadlaaya magaca xiriirk Soomaaliyeed ee kubada cagta iyo keygaba waxaan xiriirka kubada cagta dalka Jarmalka uga galad heynaa deeqdan wax barasho ee uu u fidiyay macalinka Soomaaliyeed”ayuu hadalkiisa sii daba dhigay xoghayaha guud ee Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Mudane cabdi Qani Saciid carab.

 

Macalimiinta waweyn ee koorsadan ka qeyb galay ee koobka aduunkana ka dheelay waxaa ka mid ahaa: macalinka xulka U 20-ga Nigeria John Obuh, ku xigeenka macalinka qaranka Huduras Cesar Guitierez oo ka qeyb galay cayaarihii aduunka ee Spain lagu qabtay 1982-kii.

 

Koorsadan waxaa heerkeedu yahay CAF A-Level iyo UEFA B Level, waxaana macalinka bixinayay uu ku waaniyay macalin Axmed in uu kasoo qeyb galo koorsada xigta oo noqon doonta UEFA A Level.








 

Somali Football Media Department

 

+2521 600000 Telephone

+2521 600601   Fax

 

Email:somalifootballmedia@gmail.com

 

 



Leave a comment