Cayaaro lagu maamuusayo 15-ka May oo la diyaarinayo

Friday May 07, 2010 - 11:16:55
0 Comments
2368
Shaafici Muxyidiin
Waxaa magaalada Muqdisho ka socota qaban qaabo xoogan oo loogu jiro u diyaar garowga cayaaro lagu maamuusayo maalinta dhalinyarada Soomaaliyeed ee 15-ka May waxaana qaban qaabadani wada guddiga Olombikada iyo xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta.


Maalmihii lasoo dhaafay ayaa ku simnaha wasaarada Isboortiga Khadiijo Maxamed Diiriye, guddoomiyaha Olombikada Soomaaliyeed Aadan xaaji yabarow iyo guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Cali Siciid Guuleed waxaa ay wadeen kulamo joogto ah oo looga hadlayay sidii loogu diyaar garoobi lahaa cayaaraha 15-ka May lagu maamuusayo.

 

Guddoomiyaha Olombikada ayaa sheegay in cayaaro heer sare ah oo noocyo kala duwan ah la diyaarinayo kuwaas oo lagu weyneynayo maalinta dhalinyarada soomaaliyeed ee 15-ka May oo ahbuu yiri maalin xusuus ku leh shacabka soomaaliyeed.

 

Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Cali Siciid Guuleed ayaa sheegay in xiriirku uu diyaariyay tartan kubada cagta ah oo dhowr kooxood ay ka qeyb geli doonaan kaas oo horayba ug jiray jadwalka wax qabad ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta ee sanadkan 2010-ka.

 

Ku simaha waaarada Isboortiga Marwo Khadiijo maxamed diiriye ayaa iyaduna ku amaantay guddiga Olombikada iyo xiriirka soomaaliyeed ee kubada cagta howsha qaran oo ay u hayaan dalka iyo dadka Soomaaliyeed xiligan adag.

 

Maalinta 15-ka May ayaa ah maalin ku weyn quluubta shacbaka Soomaaliyeed waxaana ay ahayd 15-kiiMay 1943-kii markii la aas aasay ururkii dhalinyarada Soomaaliyeed ee SYL oo hormuudka ka ahaa dhalinta gobanimada maanta aanu heynsano.

 

SomaliFootball Media Department

 

+2521 600000 Telephone

+2521 600601 Fax

 

Email:Somalifootballmedia@gmail.com

 



Leave a comment