Xulka qaran ka da’yarta oo dalka dib ugusoo laabtay

Tuesday April 27, 2010 - 13:29:27
0 Comments
2002
Shaafici Muxyidiin
Xulka qaranka kubada cagta dalka Soomaaliya ee da’doodu ka yartahay 17-ka sano ayaa maanta dalka dib ugusoo laabtay iyagoo kasoo amba baxay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxaana garoonka diyaaradaha loogu qabtay munaasabad soo dhaweyn heer qaran ah.


Masuuliyiin ka kala socotay dowlada Soomaaliya, guddiga olombikada Soomaaliyeed, xiriirka soomaaliyeed ee kubada cagta iyo taageerayaal aad u fara badan ayaa cayaartoyda kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Aadan cadde ee magaalada Muqdisho halkaas oo tan iyo saaka waabarigii ay ku sugayeen.

 

Boqolaal taageerayaal ah oo watay caleemo qoyan islamarkaana kor u hayay calanka Soomaaliya ayaa safaf dhaadheer u taagnaa wadada isku xirta xarunta xiriirka soomaaaliyeed ee kubada cagta iyo garoonka diyaaradaha si ay u salaamaan xulka qaranka ee soo guuleystay.

 

Malintii sabtida ee lasoo dhaafay ayaa xulka qaranka Somaaliyeed ay usoo gudbeen wareega labaad ee tartanka is reeb reebka koobka dhalinyarada Afrika kadib markii ay bar bar dhac 0-0 ah la galeen dhigooda Kenya oo ay horayna ugasoo badiyeen 3-1 cayaar ay 9-kii bishan ku yeesheen dalka Jabuuti.

 

Xulka qaranka oo kasoo gudbay wareega 1-aad ee tartanka ayaa kulanka xiga la yeelan doona dalka Masar 27-ka bisha August ee inasoo aadan sida ku cad jadwalka tartanka ee CAF.

 

Xalay ayaa safiirka soomaaliya ee dalka Kenya Maxamed Cali Nuur (Ameeriko) waxaa uu xulka qaranka hotel Barakaat ugu qabtay casho sharaf sagootin ah halkaas oo uu ku guddonnsiiyay abaal marin lacageed oo dhiiri gelin ah, sababtoo ah waxaa ay difaaceen calanka iyo shafarta Soomaaliya.

 

Guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Mudane Siciid Maxamuud Nuur Mugaabe oo hada ku sugan magaalada Jeddah ee dalka sacuudiga oo uu kaga qeybgalayo shirka doorashada xiriirka kubada cagta carabta ayaa sheegay in munaasabad nooceeda oo kale aan horay loo arag loo qaban doono xulka todobaadk dambe marka madaxda xiriirku ay dalka kusoo laabtaan.

 

Somali Football media Department

 

+2521 600000 Tell office

+2521 600601 Fax

Email:somalifootballmedia@gmail.com



Leave a comment