Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo casho sharaf sagootin ah u sameeyay xulka qaranka

Monday April 26, 2010 - 22:46:42
0 Comments
1970
Shaafici Muxyidiin
Safiirka dalka Soomaaliya u fadhiya magaalada Nairobi ee dalka Kenya Mudane Maxamed Cali Nuur (Ameeriko) ayaa caawa munaasabad casho sharaf ah oo sagootin ah u sameeyay xulka qaranka kubada cagta da’doodu ka yartahay 17-ka sano oo barri usoo amba baxaya dalka.


Munaasabada casho sharafta oo ka dhacday hotel Barakaat ee magaalada Nairobi ayaa waxaa kaasoo qeyb galay masuuliyiin ka socotay safaarada Soomaaliya ee Kenya, xubno ka tirsan dowlada Soomaaliya golayaasheeda iyo taageerayaasha kubada cagta ee ku sugan dalka Kenya.

 

Ugu horeyn waxaa munaasabada hadal ka jeediyay caamir cabdi Xasan  ah hogaamiyaha wafdiga Soomaaliya waxaana uu sheegay in safiirka iyo dhamaan xubnaha safaaradu ay wax ka dhaliyeen guusha qaran oo xulku gaaray.

 

“Safiirku waligiis kama maqnaan cayaar Soomaaliya ka qeyb galeyso oo ka dheceysa dalakn Kenya, taas ayuu kaga duwan yahay masuuliyiinta kale ee Soomaaliyeed waana masuulka qaran ee taageerada ugu weyn mar kasta la garab taagan xulka Soomaaliya”ayuu yiri Caamir cabdi Xasan.

 

“Mar waliba taageero hiil iyo hooba leh ayuu safiirku nala garab taagan yahay kaalin weyn oo muuqatana wuxuu kasoo qaatay horumarinta isboortiga dalka”ayuu munaasabada ka sheegay hogaamiyaha wafdiga Soomaaliya caamir cabdi Xasan.

 

Tababaraha qaranka Maxamed Cabdulle Farayare oo isna xaflada sagootinta ah ka hadlay ayaa sheegay in diyaarinta xulkan dhibaato badan lagasoo maray, wuxuuna amaan balaaran u jeediyay safiirka, xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta iyo cid kasta oo gacan ka geysatay horumarinta kubada cagta Soomaaliyeed.

 

Sidoo kale safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya Maxamed Cali Nuur (Ameeriko) oo munaasbada soo xiray ayaa sheegay intii karaankiisa ah in uu wax kasta la garab taagan yahay xulka qaranka Soomaaliya.

 

“Magaca, calanka iyo sharafta Soomaaliya ayaad kor u qaadeen waana idinku bogaadinayaa howsha qaranka Soomaaliyeed aad u heysaan, waxaana idin sheegayaa in in dowlada soomaaliyeed ay ku faraxsan tahay kaalinta aad qaranimada Soomaaliya kaga jirtaan”ayuu yiri safiirka oo hadalkiisa ku wajahayay cayaartoyda xulka qaranka Soomaaliyeed.

 

“Guul taariikhi ah ayaad keenteen, qof kasta oo Soomaali ahna guushaas meesha uu joogo ayuu kula naaloonayaa”ayuu hadalkiisa sii daba dhigay safiirka dalka soomaaliya ufadiya dalka Kenya maxamed Cali Nuur (Ameeriko) oo ugu dambeyntiina lacago kaash ah oo dhiiri gelin ah guddoonsiiyay cayaartoyda iyo macalinka xulka qaranka Soomaaliyeed.



Somali Football Media Department

+2521 600000 Office Tell

+2521 600601 Fax

Email:somalifootballmedia@gmail.com

 

 



Leave a comment