Kooxda K.cagta ee Real Madrid ee wadanka Spain ayaa galabta ku dhawaacday in ay fasaxday xiddga wadanka Brazil ee Robinho, kaddib markii uu codsaday in laga iibiyo kooxda Chelsea ee wadanka Ingriiska, waxaana war saxaafadeed maanta lagu soo daabacay boga internetka ee kooxda Real Madrid lagu shegay in Robinho loo ogolaaday codsigiisa, uuna ku biiro doono Kooxda Chelsea haddii labad kooxod isku fahmaan qiimaha lacageed ee ciyaaryahanka, waxaana war-saxaafadeedkaas u qornaa sidan:-
1. Kooxda Real Madrid, waxay la socotaa warar badan oo ka soo baxay ciyaaryahan Robinho, waxaan kooxdu ka shaleyneysaa in ay fasaxdo ciyaaryahan shaqsiyan is gaarsiiyay meesha ugu sareysa ee ciyaaraha, iyadoo arrinkan uu kooxda ku noqonayo mid aan ka go'eynin, , waloow mabaadii'da naadiga ay mar kasta ka mid tahay in ciyaaryahankan oo kale la celiyo waayo waa u qalmaa inuu ka ciyaaro garoonka kooxda, laakiin haddii uu codsado waa la fasaxayaa.
2. Kooxda Real Madrid ma celin doonto ciyaaryahan doonaya inuu ka tago kooxda, waayo kama hor istaageyno doonistiisa ah inuu ku biiro kooxda uu rabo, dooqna uma lihin in aan u diidno qof kasta iyo rabitaabkiisa, laakiin waxaa kaliya ee an sameynaahi waxay tahay in aan ugu yeeno xal dhex dhexaad ah oo la xiriira heshiiskiisii hore, waa haddii uu doonayo inuu naadiga sii joogo, haddii kalena waa uu bixi karaa ciyaaryahankaas.
24-jira wadanka Brazil ayaa maalmaha soo socda si rasmi ah ugu biiro doona Kooxda Chelsea ee wadanka Ingiriiska, waxaan Magaaladda Madrid socdaaal ku aadan sidii loo soo gaba gabeyn lahaa heshiiska Robinho ku jooga maareeyaha naadiga Chelsea Peter Kenyon, iyadoo dhinaca kale aysan cadeyn lacagta lagu kala iibsan doono laacibkan, hase ahaate warar aan la xaqiijini ay sheegayaan in Real ku iibin doonto 40-milyan oo Pound.