Xiriirka kubada cagta oo amaan u jeediyay safiirka soomaaliya ee Kenya

Monday April 26, 2010 - 16:01:20
0 Comments
1985
Shaafici Muxyidiin
Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta ayaa si weyn amaan ugusoo jeediyay safiirka soomaaliya ee dalka Kenya iyo guud ahaan shaqaalaha safaarada oo uu xiriirku sheegay in ay kaalin lama ilaawaan ah ka qaateen dhiiri gelinta xulka qaranka da’doodu ka yartahay 17-ka sano oo todobaadkan Kenya ka reebay tartanka U 17-ka Qaarada Afrika


Xoghayaha guud ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Mudane cabdi Qani Saciid Carab oo maanta gaaray dalka Sacuudiga tagitaankiisii halkaasna saxaafada war siiyay ayaa waxaa uu sheegay in safiirka Soomaaliya ee Kenya iyo guud ahaan shaqalaha safaaradu ay sameeyeen talaabo wadaninimo oo nooceeda oo kale aan horay loo arag.

 

“Safiiekeena Mudane Maxmed Cali Nuur (Ameriko) waxaa uu gutay waajibaad qaran wax weyn oo aan lasoo koobi karin ayuuna u qabtay xulka qaranka kubada cagta soomaaliya taariikhduna way xusi doontaa “ayuu yiri xoghayaha guud ee xiriirka soomaaliyeed ee kubada cagta Cabdi Qani Saciid Carab oo maanta saxaafada kula hadlayay magaalada Jiddah ee dalka sacuudiga.

 

“Safiirku waa nin aad u fir fir coon oo wadaniyadu ku dheertahay waana ka fileynay talaabta uu qaaday”ayuu yiri xoghayaha guud cabdi Qani Saciid carab oo sidoo kalana ka war bixiyay qaabkii kooxda qaranka lagusoo diyaariyay iyo marxaladihii ay soo mareen.

 

Waxaa uu xoghayuhu sheegay in kooxda qaranka lagu soo diyaariyay garoonka Iskuul Boliisiyo oo ah meel aan u diyaar sanayn garoon ahaan laakin dantu baday maadama ay garoomadii waaweynaa ee dalku xiligan xayiranyihiin, waxaana uu amaan weyn usoo jeediyay sidoo kale macalimiinta qaranka iyo cayaartoyda oo uu sheegay in xaalado ad adag ay u dhabar adeygeen.

 

Waxaa uu sidoo kale xoghayuhu amaanay muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool dalka Kenya oo uu sheegay in ay muujiyeen qiiro wadaninimo taas oo xulka Soomaaliya u horseeday in ay sii laba jibaaraan dadaalkooda.

 

Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta oo muddo 20 sandood ah ka shaqeynayay dal ay fowdo la dagtay ayaa waxaa uu noqday calan sidaha ugu weyn ee Soomaaliyeed kadib markii uu ku guuleystay in uu calanka Soomaaliya si joogto ah uga taago kulamada kubada cagta caalamiga ah.

 

Hadalka xoghayaha guud ayaa imaanaya iyadoo maanta magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada sacuudiga ay gaareen wafdi uu hogaaminayo gudoomiyaha kubada cagta Soomaaliyeed Mudane Saciid Maxmuud Nuur Mugaabe oo halkaas kagasoo qeyb galaya shir weynaha doorashada xiriirka kubada cagta carabta oo bari ka furmaya magaalada Jiddah.



Somali Football Media Department

+2521 600000 Office Tell

+2521 600601 Fax

Email:somalifootballmedia@gmail.com



Leave a comment