Aas aasaha SSPA oo xubin ka noqday guddiga warfaafinta CECAFA

Tuesday April 20, 2010 - 09:34:16
0 Comments
2307
Shaafici Muxyidiin
Shaafici Muxuydiin Abuukar (Islow) oo ah aas aasaha Ururka saxafiyiinta Isboortiga Soomaaliyeed horayna guddoomiye uga soo noqday hadana ah guddoomye ku xigeenka 1-aad ee xiriirka caalamiga ah ee SSPA ayaa loo magacaabay xubin ka mida guddiga warfafainta xiriirka kubada cagta ee bariga iyo bartamaha Afrika ee CECAFA loo soo gaabsho.


Maalintii jimcihii ayaa magaca shaafici oo ah international Sport Journalist waxaa uu kasoo dhex muuqday liiska xubnaha gudiga warfaafinta CECAFA ee 2010-2011,isagoo noqday journalistihii ugu horeeyay ee Soomaaliyeed oo xubin ka noqda CECAFA media.

 

Xoghayaha Guud ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Cabdi Qani saciid carab oo xubin ka ah gudiga fulinta CECAFA ayaa Shaafici ugu hambalyeeyay xubinimadiisa CECAFA Media Board.

 

"Waxaan ku amaanayaa shaafici dadaalkiisa mudada dheer uu soo waday ee ku aadan horumarinta saxaafada Isboortiga Soomaaliyeed,waxaana ku boorinayaa in uu sii laba laabo shaqada uu u hayo Soomaaliya”ayuu yiri xoghayaha guud ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Cabdi Qani Saciid.

 

Dhankiisa ayaa guddoomiyaha ururka saxafiyiinta isboortiga Soomaaliyeed Cabdi Casiis Goodax Barre waxaa uu sheegay in talaabadani ay tahay talaabo muujineysa horumar la taaban karo oo ururka saxafiyiinta isboortiga Soomaaliyeed uu gaaray,waxaana ay tahaybuu yiri guul usoo hoyatay bahda saxaafada Isboortiga Soomaaliyeed ee gudaha iyo dibadaba ku kala sugan.

 

Guddoomiyuhu waxaa uu ku dhawaaqay dabaal dagyo xarunta Ururka saxafiyiinta isboortiga Soomaaliyeed ka socon doona muddo todobaad ah oo lagusoo dhaweynayo magacaabista Xubin SSPA ah loo magacaabay CECAFA Media Board.

 

Isagoo kaashanayay saxafiyiin Soomaaliyeed ayaa shaafici waxaa uu sanadkii 1997-kii ku guuleystay in uu aas aaso guddoomiyena ka noqdo ururka saxafiyiinta isboortiga Soomaaliyeed oo haatan xubin buuxda ka ah ururka saxafiyiinta Isboortiga aduunka, kan Jaamacada Carabta, kan Qaarada Afrika iyo ururka saxafiyiinta isboortiga ee dalalka bariga iyo Koofurta Afrika,waxaana ururka SSPA uu xiriir dhow oo wada shaqeyneed la leeyahay hey’ado kale oo caalami ah oo ay ka mid yihiin Ururka saxafiyiinta Issboortiga Yurub, Playthegame iyo kuwo kale.


 

Somali Football press department

+25250 969815 Cell

+2521 5582980 Cell

+2525 936226 Office

+2521 600601 Fax

 


Leave a comment