Harry Redknapp "Shaqada ay qabtaan Ferguson iyo Scolari waxaa qaban kara Xaaskeyga "!

Monday September 01, 2008 - 15:17:28
0 Comments
1781
Shaafici Muxyidiin
Tababaraha kooxda K/cagta ee Portsmouth ee wadanka INgiriiska Harry Redknapp ayaa dacaayada ku furay tababarayaasha kooxaha Manchester United iyo Chelsea Philp Scolari iyo Sir Alex Ferguson..

wuxuuna sheegay in shada ay kooxahooda u qabtaaan aneyn ahey mid rasmi, isla markaana cid kastaahi ay ka soo bixi karto shaqadaad.

"Haddii aad soo iibsato ciyaartooyda caalamka ugu wanaagsan oo ugu qaalisan, isla markaana lacagtoodu gaareyso 20-30-milyan oo Pound, oo aad ku soo dagaal tagto, micnaheydu waxay tahay in tababaraha kooxda uusan soo saran Karin ciyaartooy yar yar oo kooxdu ku xisaabtanto, Tusaalahe ahaan labda tababare ee Scolari iyo Sir Alex Fersguson waxay soo iibsadaan ciyaartooyda caalamka ugu fiican, sidaas daraadeed kooxda shaqo uma aysan qaban tababarayaashaasi, waayo macllinka kooxda waxaa looga baahan yahay inuu abuuro ciyaartooy yar yar" ayuu Harry.

"Xaaskeyga Sandara haddii loo soo iibiyo ciyaartooy waa weyn waxaan aamin sanahay in ay guulo ku gaari karto, waayo haddii ay soo iibsato Kaka iyo ciyaartooyda la midka ah guulo ayay ku gaareysa, waayo cidda shaqada qabaneysaahi waa Kaka iyo ciyaartooyda kale ee maahan Xaaskeyga Sandra, sidaas daraadeed yaan loo maleynin in macallimiintaas ay waxbadan qabtaan".

Tababare Redknapp oo todobaadkii hore kooxdiisa Portsmouth ay 4-0 uga soo adkaatay kooxda Chelsea ayaa sheegay in kooxda Scolari ay tahay koox isku keen keen ay ah, waayo wuxuu yiri "Haddii aad lacag heysto ciyaartooy kasta oo dhaqaaqa ayaad keeni kartaa, laakiin waxaa iska cad in ciyaartooy diyaarsan uu u yimid.



Leave a comment