Kabtanka Qaranka U 17-ka Aabihiis oo caawa hoobiye Muqdisho ku dilay (Xiriirka oo tacsi diraya)

Monday April 19, 2010 - 21:39:54
0 Comments
2279
Shaafici Muxyidiin
Mauuliyiinta iyo dhamaan xubhana Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta ayaa iyaga oo ka tiiraanyeysan waxaa ay tacsi u dirayaan Kabtanka xulka qaranka Under 17-ka Maxamed Xaashi Siyaad oo aabihiis Marxuum Xaashi siyaad uu caawa madfac ku dilay magaalada Muqdisho.


Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Siciid maxamuud Nuur Mugaabe iyo xoghayaha guud cabdi Qani Saciid Carab oo caawa qoraal usoo diray saxaafada iyagoo ku hadlaya codka bahweynta kubada cagta Soomaaliyeed waxaa ay sheegeen in masuuliyiinta iyo xubnaha xiriirka kubada cagta Soomaaliyeed ay tacsi u dirayaan dhamaan ehelada marxuukma gaar ahaana Cayaaryahanka xulka qaranka Maxamed xaashi Siyaad (Duufaan), waxayna Marxuumka Eebe uga baryayaan in uu naxriistii jano ka waraabiyo qosykii,eheladii iyo asxaabtii uu ka tagayna samir iyo Iimaan ka siiyo.

 

“Tacsidu waxaa ay u taalaa dhamaan bahda kubada cagta Soomaaliyeed dhibkuna wuu na wada saameeyay”ayaa lagu yiri qoraalka caawa kasoo baxay xiriirka Soomaaliyeed ee kuabada cagta.

 

Buuga tacsida ayaa isla caawaba laga furay xarunta xiriirka soomaaliyeed ee kubada cagta halkaas oo taageerayaasha iyo guud ahaan bahweynta kubada cagta Soomaaliyeed ay tacsida ku gudbinayaan.

 

Marxuukka Xaashi Siyaad Alle ha unaxariisto. Aamiin Aamiin Aamiin Aamiin

 

Inaa Lilaahi Wa Inaa Ileyhi raajicuun  ma dhinte Waa Ilaah !!!!!!

 

NB: Tacsida waxaa lagusoo gudbinayaa cinwaanadan hoose

 

E-mail: somalifootballmedia@gmail.com ama somalisportspress@hotmail.com

 

Somali Football press secretary

+25250 969815 Cell

+2521 5582980 Cell

+2525 936226 Office

+2521 600601 Fax

 



Leave a comment