Rabshado ka dhacay garoonka kubada cagta Hargeysa oo qof ku dhaawacmay

Tuesday April 13, 2010 - 11:41:30
0 Comments
2003
Shaafici Muxyidiin
Ugu yaraantii hal ruux ayaa si xun ugu dhaawacmay rabshado shalay gellinkii dambe ka dhacay garoonka kubada cagta lagu cayaaro ee magaalada Hargeysa ee maamulka Somaliand oo qiyaastii 1,600 kilometer dhanka waqooyi gableed kaga beegan caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.


Dad goob joogayaal ah ayaa shabakadan qadka teleefonka ugu sheegay in wax yar uun kadib markii cayaar kubada cagta ahayd ay garoonka ka bilaabatay ciidamo farabadan oo boolis ahi ay garoonka soo galeen iyagoo taageerayaasha iyo cayaartoydaba ku amray in ay garoonka ka baxaan,iyadoo sababtuna ay tahay tartanka oo aan ogolaasho looga heysan dowlada.

 

Wararka nasoo gaaraya ayaa sheegaya in ciidamada boolisku ay adeegsadeen rasaas noo nool kadib markii taageerayaashu ay diideen in ay amarka booliska qaataan,waxaana taasi ay keentay in uu dhaawac halis ahi soo gaaro nin oday ah oo dibada garoonka marayay.

 

Sadexdii maalmood ee lasoo dhaafay ayaa garoonka Hargeysa waxaa ka soconayay tartan kubada cagta ah oo uu soo qaban qaabiyay xisbiga mucaaridka ee kulmiye kaas oo ay ku tartamayeen cayaatoy ka kala socotay degmooyinka magaaladu ka koobantahay.

 

Laakin dowlada ayaa tartankaas ku tilmaantay mid arrimo siyaasadeed soo kiciyeen waxaana boolisku sheegeen in wasiirka cayaaruhu uu soo amray tartanka in la joojiyo.

 

Laakin saraakiisha xisbiga Kulmiye ee mucaaridka ah ayaa ku doodaya in wasiiraka cayaaraha ay ka heysteen oglaasho ah in tartankaasi la qabto.

 

Wararka Hergeysa ka imaanaya ayaa sheegaya in ilaa iyo xalay fiidkii ay taageerayaasha kubada cagtu gubayeen lugaha baabuurta isla markaana dhagxaan ku turayeen booliska rabshadaha ka hortaga.

 

Somaliland ayaa bishii May 1991-kii waxaa ay ku dhawaaqday in ay ka go’day soomaaliya inteeda kale laakin gobalkan oo aad u nabdoon marka la bar bardhigo gobalada kale ee soomaaliya ayaan wali helin aqoonsiga beesha caalamka.

 

Somali Football Media department

 

+2525 936226 Office

+2521 600000 Office

+2521 600601 Fax

Email:somalifootballmedia@gmail.com



Leave a comment