Wadanka Spain oo u soo baxay Final-ka koobka Euro.

Monday September 01, 2008 - 14:57:56
0 Comments
2554
Shaafici Muxyidiin
Xulka wadanka Spain ayaa goor dhaweyd u soo baxay Final-ka koobka Euro-2008, kaddib markii uu 3-0 ku suul-daaray wadanka Russia,

Xulka wadanka Spain ayaa goor dhaweyd u soo baxay Final-ka koobka Euro-2008, kaddib markii uu 3-0 ku suul-daaray wadanka Russia, waxaana xulka wadanka Spain oo sanadkan soo bandhigay wacdaro aan laga filaneynin uu maalinta Axada ah la ciyaari doona wadanka Germany oo habeen hore u soo baxay kama dambeysta ciyaaraha, markii uu 3-2 uga soo adkaaday wadanka Turkey.

Ciyaaryahan Xavi Hernandez ayaa u billaabay gool dhalinta xulka wadanka Spain, kaddib markii uu daqiiqadii 50-aad ee qeybtii dambe ee ciytaarta uu gool aad u wanaagsan xulkiisa u dhaliyay, Daniel Guiza oo bedel ku soo galay ciyaarta qeybteedii dambe ayay isna u suurto gashay inuu dhaliyo goolkii 2-aad ee ciyaarta daqiiqadii 73-aad, laakiin xulka wadanka Russia oo in badan isku dayay inuu dib u soo celiyo goolasha laga dhaliyay ayaa ciyaaryahanka khadka dhexe ee xulka Spain David Silva uu shabaqa ku hubsaday goolkii 3-aad ee quusta daqiiqadii 82-aad ee ciyaarta, waxaana sidaas ku rajo dhigay ciyaartooyda wadaka Russia.

Cesc Fabregas oo bedel ku soo galay ciyaarta dabayaaqadii qeybtii hore ee ciyaarta kaddib markii uu dhaawacmay laacibkooda weerarka David Villa ayaa wax badan ka bedelay ciyaarta, isagoo abuuray fursado badan oo gool loo fisho, waxaana uu muujiyay dadaal dheeraad ah, iyadoo caawa u ciyaarta daawanayay macallinkiisa kooxda Arsenal ee Arsene Winger oo hore u sheegay inuu taageerayo xulka Spain maadaama uu u ciyaaro ciyaartooygiisa da’da yar Cesc.

Waa markii labaad ee xulka Spain uu garaaco wadanka Russia, waxaana hore uu 4-1 uga soo badiyay kulankoodii ugu horeeyay ee 10 June ay wada yeesheen ee group D, waxaana wadanka Spain uu hadda diyaar u yahay inuu Axadda ka hor tago xulka Germany.

Ciyaartaan oo uu garsoore ka ahaa Frank De Bleeckere oo u dhashay wadanka Belgium ayaa ka dhacday garoonka Ernst Happel Stadion ee magaaladda Vienna ee wadanka Austria, waxaana ka soo qeyb galay daawashadeeda 52,000, waxaana dabaal dega u soo bixita Final-ka koobka Euro ee xulka Spain uu ka biloowday guud ahaan wadanka Spain, gaar ahaan magaaladda caasimadda ah ee Madrid.



Leave a comment