Shaun Wright-Phillips oo dib ugu laabtay kooxdiisii hore ee Man City.!!

Monday September 01, 2008 - 13:10:47
0 Comments
2110
Shaafici Muxyidiin
Weeraryahanka xulka qaranka wadanka INgiriiska iyo kooxda Chelsea Shaun Wright-Phillips ayaa si rasmi ugu biiray kooxdiisii hore ee Manchester City...

isagoo qalinka ku duugay heshiis 4-sanadood ah oo uu ku joogi doono kooxda City ee magaaladda Manchester ee wadanka Ingiriiska.

Inkasta oo aan weli la shacin qiimaha rasmiga ah ee Chelsea iyo Manchester ay ku kala iibsadeen laacibkan ayaa haddana waxaa so oaf-jarmay hadalheynta warkii sheegayay in Phillips uusan diyaar u aheyn inuu dib ugu laabto kooxdiisii hore ee City, waxaana 26-jirka wadanka Ingiriiska uu hadda ku qancsanayahay inuu u ciyaaro kooxda Manchester City.

"Aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay in aan mar kale dib ugu soo laabto kooxda Manchester City, maalmihii la soo dhaafay waxaan niyada ku hayay in aan ku biro kooxda Manchester, waana riyo ii rumowday, waxaana sugi la'ahay in  mar kale soo gali garoomada ciyaaraha aniga  xiran maaliyadda City" ayuu Shaun u sheegay boga Internet ka ee kooxda City.

Tababaraha kooxda Manchester City Mark Hughes oo ka hadlay dib u soo laabashada Shaun ayaa yiri ""Dhab ahaantii in heshiis dib loogu soo celinayo Shaun kooxda Manchester aan saxiixo aad iyo aad ayay wax lala yaabo u tahay, waana arrin cajaa'ib ah, waxaana filayaa in taageerayaasha kooxdu ay ku qanacsanyihiin in dib loogu soo celiyo laacibkoodii hore, mar kastana wuxuu Shaun ka mid ahaa ciyaartooy aah ku haminayay in ay ku soo biiraan kooxda City"

Imaashaha Robinho ee kooxda Chelsea oo saacadaha soo socda ka soo degi doona magaaladda London ayaa sabab u ah in tababaraha kooxda Chelsea Scolari uu iska iibiyo Shaun Wright-Phillips, waxaana Shaun oo sadex sanadood ka hor kooxda Chelsea ay ku iibsatay adduun lacageed oo gaaraya £23million  uu berri shir jaraa'id ku qaban doona garoonka kooxda ee City of Manchester Stadium.



Leave a comment