Xulka Soomaaliya oo maanta gaaray Dar es Salaam

Thursday March 25, 2010 - 22:16:30
0 Comments
2129
Shaafici Muxyidiin
Xulka qaranka kubada cagta dalka Soomaaliya ayaa maanta duhurkii gaaray magaalada Dar es Salaam ee xarunta dalka Tanzania halka soo ay maalinta sabtida ah ee inasoo aadan cayaar ka mida is reeb reebka koobka Chan ee Afrika kula yeean doonaan dhigooda Tanzania.

Diyaaradii siday xulka qaranka Soomaaliya ayaa garoonka  diyaaradaha ee magaalada Dar es Salaam waxaa ay caga dhigatay abaara 12:45 MP waxaana xulka soomaaliya garoonka kusoo dhaweeyay madax ka tirsan xiriirka kubada cagta ee dalka Tanzania iyo dadweyne farabadan.

 

Ka hor intii aanay xulka qaranku goobta gaarin ayaa waxaa garoonka kusii sugayay qeybaha kala duwan ee warbnaahinta dalkaasi oo isugu jiray Teleefishino, idaacado iyo wargeyso ay ka mid ahaayeen ITV TBC CHANEL 10, STAR TV, RADIOONE, CLOUDS FM, RADIO TIMES, RADIO FREE, iyo sidoo kale wariyeyaal ka socday wargeyso ay ka mid yihiin: MAJIRA, MWANANCHI, MWANA SPORTS, UHURU iyo CHAMPION.


Saxaafada dalka Tanzania ayaa wareysiyo la yeeshay macalinka xulka qaranka Soomaaliyeed Maxamed cabdulle Farayare waxaana uu macalinku ka warbixiyay diyaar garowgii ay soo mareen, marxalada ada oo ay ku shaqeeyaan.

 

“Waxaan kooxdan kusoo diyaarinay magaalada Muqdisho ee dagaaladu ka socdaan, waxaan aad ula yaabay markii aan maqlay in warbaahinta dalka Tanzania qaarkood ay shaaciyeen in xulka Soomaaliya ay tababar kusoo qaateen South Afrika, warkaasina waa wax kama jiraan”ayuu macalinka qaranku ka sheegay shir jaraa’id maanta.

 

“Inkastoo xaalada wadankeenu adag tahay hadana kalsooni ayaan ku qabaa wiilasheyda yar yare e dagaalada kusoo bar baray”ayuu macalinka qaranku ka sheegay shirkiisii jaraa’id ee uu maanta ku qabtay Magaalada Dar es Salaam.

 

“Cayarta aanu la yeelanayno dhigeena Tanzania guul ayaan ka rajeynayaa”ayuu hadalkiisa sii daba dhigay macalinka qaranka Soomaaliyeed farayare.

 

Si kastaba ha ahaatee kulanka adag ee dhex maraya xualalka Soomaaliya iyo Tanzania ayaa maalinta sabtida ah ee inasoo aadan abaara 3:00Pm waxaa uu ka dhici doonaa garoonka weyn ee Uhuru Stadium.

 


Somali Football Media Department

Email:somalifootballmedia@gmail.com

+2521 600000 office

 

+2525 936226 Office

+2521 600601   Fax

 



Leave a comment