Xulka qaranka oo Tanzania gaaraya Khamiista

Wednesday March 24, 2010 - 10:01:31
0 Comments
2978
Shaafici Muxyidiin
Xulka qaranka kubada cagta dalka Soomaaliya ee loo yaqaano Ocean stars ayaa lagu wadaa in ay dalka Tanzania gaaraan maalinta Khamiista ah ee inasoo aadan halkaas oo ay cayaar ka mida is reebreebka tartanka CHAN ee Afrika kula yeelan doonaan dhigooda Tanzania ee Taifa stars.

Xulka Soomaaliya oo shalay ka amba baxay magaalada Muqdisho ayaa xalay ku hoyday magaalada Jabuuti oo ay galabta ka baqoolayaan iyagoo caawana ku baryi doona magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya halka maalinta Khamiista ahna ay gaari doonaan dalka Tanzania.

Warbaahinta dalka Tanzania ayaa si weyn u hadal haya in xulka Soomaaliya ay tababar xoogan kusoo qaateen dalka south Afrika halka kaaliyaha tababaraha xulka Tazaninana uu ku adkeysanayo in xulka Soomaaliya ay tababar xoogan oo deg deg ah kusoo qaateen dalka South Afrika laakin taasi ma jirto sida aad ka arki kareysaan muquaalkan oo muujinaya haalkii xulka qaranku ku tababar qaadanayeen.

Xulka Soomaaliya ayaa cayaarta ay la yeelanayaan Tanzania waxay 27-ka bishan oo Sabtida ku beegan ka dhici doontaa garoonka Uhuru Stadium abaara 15:00PM sida lagu sheegay jadwalka horay loosoo saaray.

Tababare ku xigeenka dalka Tanzania Juma Pondamali oo saxaafada la hadlayay ayaa sheegay in ay isku dayayaan in ay iska celiyan xulka Soomaaliya inkastoo buu yiri ay tababar adag kusoo qaateen dalka South Afrika,waxaase la wada ogyahay in xulka soomaaliya oo kasoo qaxay xaruntoodii hore ee tababarka ay bilahanba ku tababar qaadanayeen dhulka furan ee dugsiga sare ee booliska Soomaaliyeed oo ah meel aan garoon u diyaar sanayn islamarkaana aan lahayn cabirkii rasmiga ahaa ee garoomada caalamka laakin dadaalkooda xoogan ayaa u horseeday cabsida soo deg degtay ee macalinka Tanzania uu ku sheegayo in xulka Soomaaliya ay tababar adag kusoo qaateen dalka South Afrika.

Somali Football Media Department

+2521 600000 office

 

+2525 936226 Office

+2521 600601   Fax

 

 

 



Leave a comment