Xoghayaha guud ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Cabdi Qani Sacidi carab oo saxaafada war siiyay ayaa sheegay in cayaartan oo qeyb ka ah is reeb reebka tartanka Afrika ee CHAN ay 27-ka bishan ka dhici doonto magaalada Daresalam ee dalka
Xoghayaha guud ayaa sheegay in inkastoo xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagatu uu ku shaqeeyo marxalad adag hadana uu aad ugu kalsoonyahay in cayaartoyda Soomaaliya ay guul muuqata keeni doonaan.
Cayaartoday xulka qaranka oo diyaargarow xoogan ku jiray 3-diibilood ee lasoo dhaafay ayaa cayaartani waxaa ay u noqoneysaa lugtii labaad ee tartanka is reebreebka CHAN oo ah tartan ay ka qeybgalaan cayaatoyda gudaha daalkooda ka dheela.
Lugtii hore ee tartankan ayaa Soomaaliya ay 1-0 kaga adkaatay dalka Jabuuti cayaartaas oo 8-dii Janaayo ee sanadkan ka dhacday garoonka Guuleed ee magaalada jabuuti waxaana Soomaaliya goolkaas guuha u dhaliyay cayaaryahan Cusmaan Yuusuf Cusmaan (Aayarta).
Macalinka qaranka maxamed Cabdulle farayare oo saxaafada kula hadlay dusiga tababarka booliska Soomaaliyeed ka hor bixitaankooda ayaa sheegay in uu kalsooni buuxda ku qabo cayaartoydiisa uuna rajeynayo in ay soo garaacaan
“Waan aqaanaa xulka
“Waxaan tababar adag soo qaadaneynay ilaa iyo bishii Janaayo waxaana isku qabnaa kalsooni buuxda in aan ka guuleysan doono dhigeena
Xulka qaranka oo horay ugasoo qaxay xaruntoodii tababarada ee ku taala waqooyi
Soomaaliya ma lahayn dowlad dhexe oo shaqeyneysa tan iyo 1991-kii waxaana mudadaas bur buray dhamaanba kaabayaashii dalka iyo hey’adihii dowliga ahaa laakin xiriirka kubada cagta Soomaaliyeed ayaa ahaa calan sidaha qaranka oo isu imaatinyada caalamiga ah ee kubbadda cagta ka taagay calanka Soomaaliyeed taas oo muujineysa in hadii Soomaaliya ay dhanka iyaasada ka dhimatay ay wali ka nooshahay dhanka kubada cagta.
Somali Football Media Department
+2521 600000 office
+2525 936226 Office
+2521 600601 Fax
Email:somalifootballmedia@gmail.com