53-da xiriir ee UEFA oo isku raacay in laga dhigo 24 xul koobka Q/Q/Yurub.

Monday September 01, 2008 - 14:52:05
0 Comments
1973
Shaafici Muxyidiin
Wadamada xiriirka UEFA ayaa si rasmi ah u aqbalay in xulalka ka qeyb qaadanaya ciyaaraha qaramada qaarada Yurub la badiyo, isla markaana laga dhigo, 24 wadan,

waxaana soo jeedintan oo goor hore ay sameeyeen xiriirada qaarkood go'aanka ugu dambeeya laga sugayaa in guddiga fulinta ee UEFA ay ansixiyaan soo jeeditintaas bisha September ee sanadkan.

Kulan sabtidii ka dhcay magaaladda Vienna oo ay iskugu yimaadeen guddoomiyaha  UEFA, xubno ka tirsan guddiga fulinta iyo xogheynta hey'adda  ayaa lagu sheegay in Yurub ay dalbatay in 16-koox aysan suurto gal u sii anaan doonin koobka UEFA.

"Waxaan xusuustaa in aan koobkan ku guuleystay sanadkii 1984, xilligaas oo xulalka koobka ka soo qeyb galayaa ay ahaayeen 8  xul, hadda 16 ayaa ciyaareysa, waxaana ka sii fiican in la helo 24, 32 iyo haddii xitaa la isku raaci 54" ayuu yiri guddoomiyaha xiriirka K/cagta ee UEFA Michel Platini, wuxuuna intaas ku sii daray "Wadamada England, Denmark, Scotland, Ireland, Belgium, Serbia, Ukraine and Bulgaria, oo hada seegay tartanka, waxay heli karaan fursad ay tayadooda ku soo galaaan ciyaaraha Yurub".

Xiriirka K.cagta ee Scottish FA oo hormuud u ah ololahaas ayaa sheegay  in ay ku faraxsanyihin Jwaabta xiriirada Yurub ee ah in la badiyo xulalka koobka ka qeyb qaadnaay, waxaana madaxa howl fulinta ee xiriirka Scotland Gordon Smith uu yiri "Waa arrin muhiim ah oo ay aheyd in mar hore la qaato fikiriaas, runtiina UEFA hadda ayay aragtay in ay jirto baahida badinta xulalka, waxayna tani abuureysaa tartan tayo leh, wuxuuna soo jiidan doonaan xulal badan oo loolama".



Leave a comment