Garsoore Wiish oo qalab guddoonsiiyay garsooreyaasha kubada cagta

Monday March 15, 2010 - 09:04:27
0 Comments
2203
Shaafici Muxyidiin
Garsoore Xasan Wiish ayaa waxaa uu qalabka gasooreyaashu ku shaqeeyaan guddoonsiiyay 25 ka mida garsooreyaasha kubada cagta Soomaaliyeed oo iminka tababar ku qaadanaya dalka Jabuuti.


Munaasabada guddoonsiinta qalabka oo ka dhacday hotelka imperial ayaa waxaa goob joog ka ahaa masuuliyiin ka tirsan xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta,waxaana garsooreyaashu ay aad ugu mahadceliyeen garsoorahan Soomaaliyeed ee is xil qaamida sameeyay.

Garsoore Xasan Wiish oo munaasabada guddoonsiinta qalbkaas ka hadlay ayaa sheegay in ujeedada ugu weyn ee uu u yimid ay ahayd in uu barto garsooreyaasaha ka shaqeeya dalka gudihiisa oo xaaladaha adag u dhabar adeyga si kadibna loo sameeyo iskaashi iyo wada shaqeyn balaaran oo dhex mara garsooreyaasha kubada cagta Soomaaliyeed ee ku kala sugan gudaha iyo dalka dibadiisa.

“Waxaa muhiim ah in aanu yeelano wada shaqeyn kuna hadalno hal cod oo qura,markaas awoodeena iyo  wax wada qabsigeenu horay ayay u kacayaan laakin hadii aanan isla socon wax kasta way kala dhantaalmayaan”ayuu garsoore xasan Wiish ka sheegay munaasabadii uu qalabka ku guddoonsiinayay garsooreyaasha Soomaaliyeed.

Horaantii sanadkii lasoo dhaafay ayay ahayd markii garsoore Xasan Wiish uu kulan qado sharaf ah garsooreyaasha Soomaaliyeed ugu sameeyay hotelka naasahablood ee magaalada Muqdisho iyadoo kadibna dadaalkiisa uu ka bilaabay sameynta iyo maalgelinta webka ku hadla codka garsoorayaasha cayaaraha kala duwan ee Soomaaliyeed ee www.somalirefferee.com, iyadoo hadafka garsoore Wiish uu yahay in uu ku guuleysto sidii loo sameyn lahaa dalad ay ku mideysan yihiin dhamaan garsooreyaasha cayaaraha kala duwan ee Soomaaliyeed.



Leave a comment