Ciyaartan oo ahayd mid aad u xiisa abdan ayaa waxaa ay ku bilabatay dardar ay labada koox la soo galeen garoonka madaama ay tahay is aragii ugu horeeyay ee ay wada yeeshaan.
Ciyartooyda labada naadi ayaa sameeyay fursado gool loo fishay intii lagu guda jiray qeybta hore ee ciyaarta inkasta oo aysan dhicin waxayna ku soo idlaatay qeybta hore barbardhaca 0 iyo 0 ah.
Markii la isku soo noqday oo la tashiyo iyo dardaaran la soo yeesheen macalimiinta ka dib ayaa kooxda kubada cagta Gaheyr waxaa ay soo bandhigtay farsamo cusub oo ay ku weerareyso goolka kooxda kale e FC Banaadir taas oo daqiiqadii 65-aad uu mid ka mid ah difaaca FC Banaadir uu kubada gacanta ku qabsado isgoo ku jira gudaha xerada ka cagan in danbi lagu galo.
Garsoore Baasaale ayaa seerigii ka dhawaajiyay isagoo tilmaamay in rigoore ama laadka xorta ah la dhigo, waxaana ciyaaryanka kabtanka u ah kooxda Gaheyr Axmed Tahliil uu si la yaab leh u daba marsiiyay golhayihii FC Banaadir halkaas oo ciyaartii ay ku noqotay Gaheyr oo leh gool iyo Fc Banaadir oo eber leh.
Weerar xoogan oo ay qaadeen FC Banaadir dhalintii magaceeda ku ciyaareysay ayaysan u suuragelin iney wax gool ah ku dhaliyaan si ay isga soo gudaan goolka lagu leeyahay, waxayna ugu danbeyntii ciyaartii ku soo dhamaatay hal gool iyo waxba oo ay guushu ku raacday kooxda kubada cagta Gaheyr iyo FC Banaadir oo caro kala galbatay garoonka.
Somali Football Press Department
+2525 936226 or +2521 600000 Office
+2521 600601 Fax
Email:somalifootballmedia@gmail.com