Xavi Hernández oo noqday ciyaaryahankii ugu fiicnaa ee Euro 2008.

Monday September 01, 2008 - 14:48:32
0 Comments
2303
Shaafici Muxyidiin
Guddiga xiriirka K.cagta ee qaaradda Yurub Uefa u qaabisan arrimaha farsamada ayaa si rasmi ugu dhawaqay in ciyaaryahankii ugu fiicnaa tartankii Euro 2008 ee ku soo idlaaday wadanka Austria..

ciyaaryahankii ugu fiicnaa tartankii Euro 2008 ee ku soo idlaaday wadanka Austria waxa uu noqday ciyaaryahanka khadka dhexe ee wadanka Spain iyo kooxda Barcelona Xavi Hernández.

Sagaal kooxood oo ah kuw ugu ugu waaweyn ee qiimeeya ciyaartooyda ayaa u doortay Xavi Hernández inuu noqodo ciyaaryahankii tartanka ugu wanaagsan, waxaan Uefa ay sheegtay in tartanka oo ku idlaaday sidii loogu talo galay uu ahaa mid uu Xavi Hernández ku soo bandhigay xirfadihiisa, uuna qeybta ugu weyn ka qaaday hanada wadankiisa ee EUro 2008.

23-ka ciyaartayahan ee ugu fiican Euro 2008 ayaa Isnintii lagu dhawaaqay, waxaana liiska ciyaartooydaaska maqan Laacibka kooxda Manchester United iyo xulka wadanka Portugal Ronaldo oo xulkiisu ku haray wereerigii labaad ee tartanka, waxaana ciyaartooydaas magacayadoodu kala yihiin:-

Goolhayeyaasha
Gianluigi Buffon (Italy)
Iker Casillas (Spain)
Edwin van der Sar (Netherlands)

Difaacayada
José Bosinga (Portugal)
Philipp Lahm (Germany)
Carlos Marchena (Spain)
Pepé (Portugal)
Carles Puyol (Spain)
Yury Zhirkov (Russia)

Khadka dhexe

Hamit Altintop (Turkey)
Luka Modrić (Croatia)
Marcos Senna (Spain)
Xavi Hernández (Spain)
Konstantin Zyryanov (Russia)

Khadka dhexe ee weerarka (Middle-to-Front)

Michael Ballack (Germany)
Cesc Fàbregas (Spain)
Andrés Iniesta (Spain)
Lukas Podolski (Germany)
Wesley Sneijder (Netherlands)

Weeraryahanadda (Attackers)
Andrey Arshavin (Russia)
Roman Pavlyuchenko (Russia)
Fernando Torres (Spain)
David Villa (Spain)



Leave a comment