Xiriirka kubada Cagta oo dayactiraya garoonkii J/siyaasada

Tuesday December 29, 2009 - 14:57:46
0 Comments
2664
Shaafici Muxyidiin
Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta ayaa bilaabay dayactir uu ku sameynaypo garoon kubada cagta ah oo ku yaala jaamacadii culuunta siyaasada Soomaaliya si halkaas loogu shaqeeyo.

Wafdi uu horkacayo gudoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubada Cagta Siciid Maxamuud Nuur Mugaabe ayaa maanta booqday garoonka dayactirku ku soconayo, waxaana ay warbixin ka dhageysteen masuulka hogaaminaya howsha dayactirka oo ah Injineer Maxamed Cusmaan Xasan.

 

Guddoomiyaaha oo ay kormeerkiisa howleed ku wehlinayeen ku xigeenkiisa cali Siciid Guuleed iyo kaaliyaha xoghayaha guud Xasan Maxmed Maxmuud Farey ayaa waxaa ay soo kormeereen dhamaan qeybaha kala duwn ee uu garoonku ka kooban yahay waxaana ay mahadcelin u direen dadweynaha deegaanka oo dayactirkan gacan ka geysanaya.

 

Dhanka kale xoghayaha guud ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta cabdi Qani saciid carab oo shir jaraa’id oo qadka teleefonka ah u qabtay sxaafada Muqdisho isagoo dalka dibadiisa ku sugan ayaa waxaa uu sheegay in ujeedada garoonkan loo dayactirayo ay tahay in lagu qabto horyaalada heeraka 1-aad iyo 2 aad ee sandka 2010-ka.

 

“Waxaa naloosoo doortay in aanu wax qabano, sidaa daraadeed maadama ay xaniban yihiin garoomadii waaweynaa ee dalku lahaa waxaanu go’aan ku gaarnay in garoonkan aan dayactriano si shaqada aanu ugu qabsno”ayuu saxaafada u sheegay xoghayaha guud ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Cabdi Qani Siciid Carab.

 

“Waxan aad ugu gallad heynaa dadweynaha deegaanka oo runtii aanu ka helnay gacan siin iyo dhiiri gelin ku aadan in aan dayactirno garoonkan,waxaana rajeynayaa in howshu ay guul  ku dhamaan doonto”ayuu mar kale yiri xoghayaha guud cabdi Qani.

 

Dhawaanahan xiriirka soomaaliyeed ee kubada cagtu waxaa uu shaqooyinkiisa ku qabsanayay garoonka dugsiga sare ee booliska waxaana maadama loo baahday in la qabto horyaalada lagama maarmaan noqtay in garoonkan dib loo dayactiro,sida uu xoghayaha guud sheegay.

 

Garoonkii ugu weynaa dalka soomaaliya ee stadium Muqdisho waxaa kadb markii ciidamada Itoobiyaanku ka bexeen bishii Janaayo ee sanadkan uu mar kale xero ciidan u noqday kooxo Islaamiyiin ah oo wali dagan.

 

Sidoo kale garoonka stadium Banaadir ayaa waxaa ku socday dhisme lagusoo bilaabay bartamihii sanadkii hore lana qorsheynayay in horaanta sanadkan lasoo gabagabeeyo laakin dagaalada Muqdisho ka jira ayaa shaqadaas hakiyay iyadoo garoonkuna uu ku yaalo degmada cabdil casiis oo dagaalo maalinleyaal ahi ay ka dhacaan, sida masuuliyiinta xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagtu sheegeena waxaa howshaas dib loo bilaabi doonaa marka ay xaalada amaanku saamaxdo.




 

 

Somali Football Press Department

 

Email:somalifootballmedia@gmail.com

 

+25250 969815 Cell

+2525 936226   Office

+2521 600601   Fax



Leave a comment