Xulka qaranka oo baxay

Thursday November 26, 2009 - 18:14:03
0 Comments
2433
Shaafici Muxyidiin
Cayaartoyda Xulka Qaranka dalka Soomaaliya oo muddooyinkanba diyaar garrow ku jiray ayaa u amba baxay magaalada Nairobi ee dalka Kenya halkaas oo ay kaga qeyb galayaan tartanka qaramada dalalka bariga iyo bartamaha Afrika oo sanadkan Kenya marti gelineyso.


Ka hor bixitaankooda ayaa munaasabad sagootin ah cacyaartoyda qaranka loogu qabtay dugsiga sare ee ciidanka Booliska Soomaaliyeed,halkaas oo ay masuuliyiin fara badan khudbado ka jeediyeen.

 

Guddoomiye ku xigeenka xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Cali Saciid Guuleed oo munaabadii sagootinta ka hadlay ayaa sheegay in cayaartoydu ay tan iyo 1-dii October tababar soo wadeen waxaana uu kula dar daarmay in ay muujiyaan karti iyo cayaar wanaag.

 

“Dadka aad u tageysaan waxaa tihiin isku mid oo 9 bilood ayaad ku wda dhalateen , waxba idinma dheera marka laga reebo in ay heystaan nabad iyo dowlado nag, laakin ku dadaala in aad wax weyn soo hosyaan sababtoo ah shacabka soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaanba adinka ayay idin sii eegayaan”ayuu guddoomiye ku xigeenku u sheegay cayaartoyda qaranka.

 

Guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta Siciid Maxamuud Nuur Mugaabe oo isna goobta ka hadlay ayaa ugu horeyn u mahad celiyay taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed General cabdi Qeybdiid, guddoomiyha naadiga heegan Col cali cabdi Maxamed Shiine iyo dhamaan howl wadeenada dugsiga sare ee booliska oo uu sheegay in ay xulka qaranka si weyn ula shaqeeyeen mudadii ay tababarka qaadanayeen.

 

Guddoomiyaha ayaa sheegay in marka la eego kala horeynta dalalka xubnaha kaah FIFA ay soomaaliya ka horeyso ku dhawaad 50 dal oo dowlado ay ka jiraan dhismena uu ka socday 20-kii sano ee Soomaaliya ay bur burka ku jirtay.

 

“Dadku waxaa ay nagu eedeeyaan in aanan koob keenin marka ana tartamada ka qeyb galno, bal is weydiiya ma jirtaa mar ay Soomaaliya soo qaday koobka CECAFA xitaa markii ay dowladdu jirtay”ayuu guddoomiyuhu yiri intii ay socotay khudbadiisa, waxaana uu amaan ujeediyay dhalinyarada xulka qaranka oo uu sheegay in ay karti iyo dhabar adeyg muujiyeen.

 

“Waxaa uu guddoomiyuhu xulka qaranbka u rajeeyay guul, isagoona sheegay in inkastoo dalku dhibaato adag ku jiro hadana xiriirka soomaaliyeed ee kubada cagtu uu san seexan ee taa badalkeeda uu qabtay wax ka badan intii lagu qaban karya dal fowdo ka jirto sida Soomaaliya oo kale.

 

Ugu dambeyntii guddoomiyaha wafdiga Abuuakr Islow oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay in uu kalsooni buuxda ku qabo cayaartoda oo tan iyo 1-dii October soo waday tababr joogto ah oo galabiyo subax ah.

 

Somali Football Press Department

 

Email:somalifootballmedia@gmail.com

 

+2525 936226   Office

+2521 600601   Fax

 



Leave a comment