Garsooreyaasha Kubada cagta oo tababar loo soo xiray

Wednesday November 25, 2009 - 06:57:12
0 Comments
2400
Shaafici Muxyidiin
Waxaa maanta xarunbta naadiga Elman ee magaalada Muqdisho lagusoo gababageeyay seminaar aqoon kororsi ah oo muddo sadex maalin ah soconayay kaas oo ay ka qeyb galeen ilaa iyo 30 ka mida garsooreyaasha kubada cagta Soomaaliya.


Seminaarkan oo ay macallimiin ka ahaayeen khabiirada dhinaca garsoorka kubada cagta xasan farey iyo Aweys Axmed Jimcaale ayaa intii uu socday waxaa dib la isugu xasuusiyay shuruucda garsoorka kubada cagta iyadoona lagu qaatay shuruucdii ugu dambeysay ee garsoorka kubada cagta aduunka lagusoo daray.

 

Seminaarkan oo uu maalgeiyay xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta ayaa waxaa ay garsooreyaashu sheegeen in ay aad ugu baahnaayeen maadaama bay yiraahdeen ay ku barteen wax badan oo kusoo kordhay sharciga garsoorka kubada cagta aduunka.

 

Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Siciid Maxamuud Nuur Mugaabe ayaa sheegay in qabashada seminaarkani ay qeyb ka tahay udiyaar garowga cayaaraha gobalada oo lagu wado in bartamaha bisha inasoo aadan ay ka furmaan Puntlnad.

 

“Seminarkani muhiimad weyn ayuu noo leeyhay sababtoo ah garsoorayaashani waa kuwii qaban lahaa cayaaraha gobalada, waana lagama maarmaan in ay bartaan shuruucdii ugu dambeysay ee nidaamka garsoorka adduunka lagu soo daray”ayuu yiri guddoomiye Siciid Mugaabe.

 

Guddoomiye siciid  ayaa kula dar daarmay garsoorayaasha in ay aqoontooda usii gudbiyaan garsoorayaasha aan tababarkan fursadda u helin ee gobalada ay kula kulmi doonaan inta ay socdaan cayaaraha gobalada ee haatan la rajeynayo in ay bilaabmaan dabayaaqada sanadkan.

 

Waxaa uu guddoomiyuhu aad u amaanay shaqada garsora yaashu hayaan oo uu sheegay in xilligan adag ay u dhabar adeygeen gudashada waajibaadka saaran oo ay sii laba jibaareen taana ay maalin maalmaha ka mida ah abaal marinteeda heli doonaan,iyadoo uu tababarkii sadexda maalmood socdayna sidaa kusoo xiray gudoomiye ku xigeenku.




 

Somali Football Press Department

 

Email:somalifootballmedia@gmail.com

 

+2525 936226   Office

+2521 600601   Fax

 



Leave a comment