Soomaalida Australia oo si weyn uga dhex muuqanaya tartanka Perth world soccer cup

Sunday November 15, 2009 - 12:16:34
0 Comments
2900
Shaafici Muxyidiin
Bahweynta kubada Cagta Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Australia ayaa u dabaaldagaya guulaha waaweyn oo ay ka gaareen tartanka sanadlaha ah ee Perth World soccer cup oo sanad kasta loo qabto jaaliyadaha dalkaasi ku dhaqan.

Sanadkan ayaa waxaa xulka Soomaaliyeed ay noqdeen xulka ugu awooda badan tartankaasi oo ka soconaya magaalada perth ee waqooyiga Australia ku taala waxaana sida ku cad sawirada hoose ay xulka Soomaaliya kazoo wada badiyeen dhamaanba xulalkii ay la cayaareen marka laga reebo hal xul oo ay bar bar dhac 1-1 ah la galeen sida sawirada hoose ku cad.

 

Xulkiiu gu horeeyay ee xulka Soomaaliya ay ka badiyeen ayaa ahaa Zimbabwe waxaana arrintaas si weyn loogu soo hadal qaaday websiteyo caalami ah oo uu ka mida yahay webka AIPSmedia.com, Australia today,African press agency, kashmirwatch iyo kuwo kale oo dhamaantoodba ay u gudbiyeen xubnaha ururka saxafiyiinta isboortiga Soomaaliyeed ee SSPA oo tartankaasi siweynu cover gareynayay.

Hadaba Waxaa ay soomaaliya soo gaartey wareega 2aad ee tartankaasi ka dib markii ay soo guuleysteen dhamaanba kulamadii ay la kala ciyaareen Zimbabwe ,Ukrine,Colombia iyo Chile oo 1-1 la galeen.dhinaca kale tartanka isna futselka ah ee ka socda caasimadda sydney ayey wacdaro ka dhigeen markii ay garaaceen ilaa 4 wadan.nasiib darose si dirqi ah sudan kaga adkaatey 5-4

 

Xulka Soomaaliya aya waxaa macalin ah cabdul Xaq Maxamed Axmed oo horoay uga tirsanaa ciyaartoydii qaran ee Soomaaliya iyo xulkii jubada hoose ee Soomaaliya.





  

Somali Football Media Department

 

Email: Somalifootballmedia@gmail.com

 

+25250 969815  Cell

+2521 5582980  Cell

+2521 600601   Fax

 



Leave a comment