Tababarka tabarayaasha oo galay maalintii 3-aad iyo casharro muhiim ah oo la qaatay.

Wednesday October 28, 2009 - 00:00:49
0 Comments
2295
Shaafici Muxyidiin
Waxaa si habsami leh hotelka Sheraton ee magaalada Jabuuti tababarka tababarayasha kubada cagta dalka Soomaaliya oo ay maalgelineyso hey’ada ugu sareysa kubada cagta aduunka ee FIFA kaas oo ay tahay markii ugu horeysay ee macalimiin intaa la eg dalka dibadiisa loogu qabto tababark cenykan oo kale ah.


Tababarkan ayaa waxaa uu qeyb ka yahay barnaamijka lagu horumarinayo kubada cagta Afrika ee loogu magac daray Win in Africa with Africa.

 

Macalimiinta ayaa al siinayaa duruus la xariirta sharciyadii ugu dambeeyey ee macalinimada kubada cagta , waxaana maalintiiba ay qaataan 3 saacadood oo baraatiko ah iyo 5 saacadood oo theory ah waxaana macalinka tababarka bixinaya oo lagu magacaabo Ulric  Mothiot uu sheegay in wax  uusan fileyn uu kala kulmay macalimiinta Soomaaliya.

 

“Waa dad aad ugu diyaarsan tababarkan oo ah kuwii ku haboonaa, waxaana ka muuqata in ay ka go’antahay in ay aqoon kororsadaan”ayuu yiri macalin Ulric  Mothiot.

 

Masuuliyiin Soomaaliyeed oo uu ka mid yahay ku simaha safiirka Soomaaliya ee dalka Jabuuti Cabdiraxmaan Maxamed Hiraabe ayaa maalin kasta  yimaada halka uu tababarku ka soconayo iyagoona ku dhiiri geliya xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta iyo macalimiintaba wax qabadkooda.

 

Waxaa uu safiirku aad u amaanay kaalinta xiriirka ee ku aadan howshan loo qabanayo Soomaaliya oo aan horay hada ka hor loogu qaban xitaa bari samaadkii, maadaama tiradan oo kale oo macalimiin Soomaaliyeed ah aan waligood tababar loogu qaban dalka dibadiisa.

 

Masuul sare oo lagu magacaabo Daaha Ismaaciil oo ka socda FIFA iyo CAf ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda uu soo gaaro dalka Jabuuti si uu munasabada gabagabada iy adoo Lagu wadoo habeenka jimcaha in halkan lagu qabto xaflad weyn oo gaba-gabo ah.

 

Somali football Media Department

Email somalifootballmedia@gmail.com

+25250 969815   cell

+2525 936226   office



Leave a comment