Xulalka Brazil, Argentina iyo Italy oo u soo baxay quarter-final-ka Olombikada!!

Monday September 01, 2008 - 14:13:06
0 Comments
2156
Shaafici Muxyidiin
Laacibka khadka dhexe ee weerarka ee xulka qaranka wadanka Brazil Ronaldinho ayaa dib u soo celiyay rajada xulkiisa Brazil ee ciyaaraha olombikada...

kaddib markii uu qeyb weyn  ka qaadtay ciyaartii ay ku xaqiiqsadeen u soo bixitaanka  wareega labaad ee ciyaaraha K/cagta ee Olombikada Adduunka, kaddin markii maaanta ay 5-0 ku dhufteen wadanka New Zealand, waxaana xulka wadanka Brazil uu soo sadexeeyay labada wadan ee Argentina iyo Italia oo goor hore ee shalay u soo baxay wareega labaad ee quarter final ee ciyaarahaan.

Ronaldinho ayaa  aad ugu faraxsan in xulkiisa Brazil u soo baxo wareega labaad, wuxuuna dhaliyay laba ka mid ah 5-ta gool oo ay manta ka dhaliyeen dhigooda New Zealand, waxaana tababaraha xulka qaranka ee Brazil Dunga uu sheegay in Ronaldinho uu si buuxda u soo kabsaday, iyadoo Brazil ay ku soo baxday laakinta 1-aad ee qeybta C, waxaana xulka Brazil oo ka mid ah xulalka loo saadaaliyay koobka  uu isku diyaarinayaa inta ka dhiman koobka, waxaana weli isku heysta kaalint alabaad xulalka Belgium, China iyo New Zealand oo isku qeyn ay ku jiraan wadanka Brazil.

Xiddiga wadanka Argentina ee Lionel Messi ayaa xulka wadankiisa u horseeday in ay ka mid noqadaan wadamada ugu wanaagsan koobka kaddib markii gool iyo eber ay uga adkaadeen wadanka Australia, waxaana goolka u dhaliyay laacibka kooxda Napoli ee Ezequiel Lavezzi , waxaana Messi oo caadaadis xoog leh saaray ciyaartooyda wadanka Australia uu sheegay in wadanka Argentina uu yahay wadan aan kaftan galin.

Weeraryahanka kooxda Barcelona Messi ayaa doonaya inuu ku guuleysto ciyaarayahanka ugu wanaagsan ee tartanka, isla markaasna uu qaato abaal marinta dahabka ah ee Olympic Gold, xulkiisa Argentina u horsed ku guuleysashada koobkan, waxaana qeybta A oo ay ku wada jiraan xulalka Australia, Ivory Coast iyo Serbia la sugaya xulka soo labeyn doona wadanka Argentina, iyadoo ay dhici karto in Ivory Coast soo labeyso Argentina, haddii ay isniinta ka badiyaan wadanka Australia.

Wadanka Talyaaniga ayaa isna awoodiisa bannaanka soo dhigtay markii uu qeybta D uu ku soo baxay kaalinta 1-aad,  kaddib markii  3-0 ku soo dar dareen wadanka South Korea, waxaana Italia ay hadda ku raaxeysaneysaa kaalinta koowaad, iyadoo sidaas oo kale la sugayo wadanka soo labeyn doona, waxaana qeybta D ku wada jir Cameroon, Honduras, Italia iyo Sout Korea.

Laakiin maadaama sadexda wadan ee Brazil, Italia iyo Argentina ay ku soo baxeen kaalmaha hore ee Guruubyadooda, waxaa jira guruub wadamadiisu ay is mari la'yihin, waana Qeybta B oo ay ku wada jiraan USA, Holland, Nigeria iyo Japan, waxaana qeybtan wada hoggaaminaya wadamada Mareykanka iyo Nigeria oo laba dhibcood ka horeeya wadanka Netherlands, laakiin kulanka adag  eek ala baxa uu  dhex mari doono labada dal ee hoggaanka heysa ee US iyo Nigeria, waxaana haddii Holland ay soo dar darto wadanka Japan ay ku soo bixi doontaa kaalinta labaad haddii ay kala badiyaan hogaamiyaasha qeybtan B.



Leave a comment