Maalintii Axadii ayaa kooxda Somali beach soccer team ee dalka
“Labada cayaarood ee aan Axadii yeelanay waxaa ay ka mid ahaayeen cayaaraha agu tilmaamay Top Matches-ka waxaana cayaartii hore ay kusoo dhamaatay bar bar dhac 5-5 ah, inkastoo laba cayaaryahan si qalad ah roose nalookaga siiyay 3 rigoore oo qalad ahna nalaka dhigay”ayuu yiri maamulaha kooxda Soomaalida Maxamed Axmed.
Waxaa uu maamuluhu sheegay in cayaartii labaad laga badiyay xulka soomaalida loogana badiyay 5-2,laakin cayaarta oo ahayd mid dad weynaha daawanayay ay garoonka aad usoo buux dhaafiyeen ayuu sheegay in farsamada cayaareed ee kooxda Soomaalida aad loola dhacay.
“Cayaartaasi aad ayay u wanaagsanayd waxaana dad uu ka mid ahaay Chritian Muery oo ah Chief of National Sport ay aad u amaaneen cayaartoydeena oo muujiyay karti iyo farsama cayaareed oo sareysa iyadoo waliba laba ruux oo laf dhabar ah ay naga maqnaayeen”ayuu yiri maamule Maxamed Axmed.
Maamulaha ayaa sheegay in ay aad ugu rajo weynyihiin in ay ka baxaan heerka labaad ee haatan ay ku jiraan ayna u talaabaan League A, marka loo eego tayada iyo farsamada cayaareed ee kooxda.
Cayaar ilaa iyo iminka dadku ay is weydiinayaan si aad ahna hadal heynteedu gudaha iyo dibadaba u badatay ayaa ah cayaar Somali beach soccer team ay 11-4 kaga badiyeen koox ku cayaareysay magaca Senegal bishii lasoo dhaafay.
NB:hadii aad dooneysid in aad la xariirto una hambalyeyso maamul aha kooxda Soomaalida ee ka qeb galeysa Swiss League Maxamed Axmed kala xariir teleefonada kala ah: Mob:+41796875545 ama guriga +41313028233
Somali football Media Department
Email: somalifootballmedia@gmail.com
+2525-0-969815 Cell
+2525 936226 office