Horyaallada Serie A & B oo la qabanayo

Wednesday July 08, 2009 - 09:38:27
0 Comments
2033
Shaafici Muxyidiin
Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta ayaa ku dhawaaqay taariikhda la qabanayo horyaalada kubada cagta ee kooxaha heerka 1-aad iyo 2-aabad ee sanadka 2009-ka.


Qoraal rasmi ahoo kasoo baxay xafiiska xoghayaha guud ee xiriirka kubada cagta ayaa lagu sheegay in qorshaha xiriirka ay ku jirto ka hor dhamaadka sanadkan in dalka lagu qabto horyaalka 36-aad ee kooxaha heerka 1-aad iyo horyaalka 6-aad ee kooxaha heerka 2-aad ee kubada cagta Soomaaliya.

 

Shirkii bileedkii ugu dambeeyay ee xiriirka ee dhacay 1-dii bishan ayaa lagu go’aamiyay in horyaaladan la qabto bisha October ee inasoo aadan sida qoraalka lagu sheegay.

 

Inkastoo ay dalka Soomaaliya ka jiraan rabshado hubeysan ayaa hadana xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagtu waxaa uu isku dayayaa in uu guto waajibaadyadiisa shaqo inta suuragalka ka ah marka loo eego la saan qaadka marxalada colaadeed ee dalku haatan ku jiro.

 

Dhanka kale waxaa wali tababarkooda sii wata cayaartoyda xulka qaranka ee U 17-ka oo udiyaar garoobaya tartanka bariga iyo bartamaha Afrika ee kooxaha U-17-oo daba yaaqada sanadkan ka dhici doona dalka Sudan.

 

Somali football Media Department

 

Email: somalifootballmedia@gmail.com

 

+2525-0-969815 Cell

+2525 936226   office



Leave a comment