X/S/k Cagta oo Soomaalida ugu hambayeeyay maalinta xorriyada.

Tuesday July 07, 2009 - 15:48:21
0 Comments
2110
Shaafici Muxyidiin
Masuuliyiinta xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta ayaa shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaanba ugu hambalyeeyay munasabada maalinta xorriyada Soomaaliya.


Kadib shir bileedkii xiriirka ee dhacay 1-dii bishan ayaa xubnaha guddiga fulinta ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagtu waxaa ay hambayo u direen  guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee caalamk daafihiisa ku kala nool munasabada qiimaha badan ee 1-da July awgeed.

 

Guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Mudane Siciid Maxamuud Nuur Mugaabe oo waaxda war faafinta xiriirka la hadlay kadib shir bileedkii xiriirka ayaa shacabka Soomaaliyeed u rajeeyay in sanadkan sanadkiisa ay ku gaaraan horumar, dowladnimo, barwaaqo iyo nabad waarta.

 

Somali football Media Department

 

Email: somalifootballmedia@gmail.com

 

+2525-0-969815 Cell

+2525 936226   office

 



Leave a comment