Soomaaliya oo 11-4 gool kaga badisay Senegal

Tuesday June 23, 2009 - 18:09:39
0 Comments
3285
Shaafici Muxyidiin
Xulka Soomaaliya ee Beach soccer-ka ayaa guul darro weyn dhabarka u sariyay xulka dhigooda ah ee Senegal kadib markii ay kaga badiyeen 11-4 cayaar saaxiibtinimo oo ka dhacday magaalada Lausanne ee dalka Switzerland 21-kii bishan.

Cayaartan oo ay maamulayeen khubaro ka socota beach soccer world wide ayaa xulka Soomaaliya ay soo bandhigeen cayaar farsamaeedu aad u sareysay iyo karti waxaana ay ugu dambeyntii xulka Soomaaliya soo hooyeen guul weyn oo taariikhi ah.

 

Intii dhexeysay 2007-2009 waxaa dalka Soomaaliya uu horumar weyn ka sameeyay cayaarta Beach soccer-ka loo yaqaano gudaha iyo dibadaba waxaana taasi ay qeyb ka tahay dadaalada bahweynta kubada cagta Soomaaliya ee caalamka ku kala nool ay wadaan.


Dhamaan cayaartoydii ka qeyb gashay tartanka saaxiibtinimo ee dhex maray Soomaaliya iyo senegal ayaa waxaa ay ku nool yihiin qaarada Yurub.

 

Soomaaliya ayaa haatan isu diyaarineysa in ay ka qeyb gasho is reeb reebka qaarada Afrika waxaana xoghayaha guud ee xiriirka cabdi Qani Saciid carab uu sheegay in xiriirku uu ku rajo weyn yahay meel fiican in uu ka galo cayaarta beach soccer-ka ee qaarada Afrika.

 

Maamulaha xulka Soomaaliya ee beach soccer-ka waxa uu ahaa Maxamed Axmed oo masuuliyadaas uu u wakiishay xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta.

 

Maxamed Axmed waxaa uu sheegay in cayaartoyda Soomaaliyeed ee beach soccer-ka ee yurub ku nool ay xiliyadii ugu dambeeyay sameynayeen horumar lixaad leh kaas oo buu yiri u horseeday in ay goolal intaa la eg uga badiyaan xulka Senegal oo runtii ka mida dalalka ugu ad adag qaarada Afrika.

 

 

Somali Football Media Department

 

E-mail Somalifootballmedia@gmail.com

+25250 969815 :mobile

+25250 936224: office



Leave a comment