Cayaarahan oo sanadkiiba mar la qabto ayaa waxaa ay sanadkan ka dhici doonaan magaalada Khaartum ee xarunta dalka Sudan 19-30 August waxaana sanad kasta ka qeyb gala xulalka 10 dal iyo jasiirada zenzibar, kuwaas oo ku bohoobay xiriirka kubada cagta bariga iyo bartamaha Afrika.
Inkastoo dagaalo sokeeye ay hareeyeen dalka Soomaaliya ayaa hadana xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagtu waxaa uu dadaal weyn ku bixiyay sidii sanad kasta ay Soomaaliya cayaarahaas uga dhex muuqan lahayd.
Xoghayaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Cabdi Qani Saciid carab ayaa somsoccer.com u sheegay in u jeedadu ay tahay in lasoo saaro cayaartoy da’ yar oo tayo wanaagsan oo mustaqbalka Soomaaliya ku matala cayaaraha waaweyn ee caalamiga ah, isla markaana u qalma iibsiga kooxaha waweyn ee dunida ka dhisan.
Soomaaliya sanadkan waxaad moodaa in diyaar garowgu uu yahay mid aad u xoog badan,waxaana kooxda U-17-ku ay tababarka diyaar garowga ah soo bilowday bishii may ee tagtay, iyadoo tababarkaasina uu socon doono ilaa iyo bartamaha bisha August ee inasoo aadan.
Tababaraha koobaad ee xulka Maxamed cabdulle Farayare ayaa shabakada warbaahinta somsoccer.com u sheegay in cayaartoyda lagasoo kala xulay dhamaan kooxaha dalka ka jira iyo gobalada dalka iyadoo ay sidoo kale jiraan cayaartoy aan kooxna ka tirsanayan laakin tababarayaashu ay xaafadaha kasoo xusheen kadib markii ay la dheceen farsamadooda iyo tayadooda cayaareed.
Subax kasta marka uu tababarku dhamaado waxaa macalimiintu ay muddo 20 daqiiqadood ah la hadlaan cayaartoyda oo ay siiyaan dar daaran dhinacyo kala duwan leh, iyagoo u sheega in ay asluubtooda dhisaan, muujiyan cayaar wanaag isla markaana maanka ku hayaan in waxa ay u tababar qadanayaani ay tahay difaacida karaamada iyo sharafta dalkooda.
Waxaa kaloo jira cayaartoy Soomaaliyeed oo dibadaha ku nool oo xulka lagusoo biirin doono si ay uga qeyb qaataan difaaca calanka Soomaaliyeed.
Howshaas baaxadda leh waxaa uu xiriirku ula jeedaa in la horumariyo cayaartoyda Soomaaliyeed ee gudaha iyo dibadaba oo si isku mid ah ay calanka u difaacaan, sida uu sheegay xoghayaha xiriirka cabdi qani saciid carab oo shabakada somsoccer.com la hadlayay.
“Dhibaatooyinka ka jira magaalada Muqdisho waxaa ay keeneen in masuuliyiinta cayaaruhu ay aad ugu dhib qabaan socodsiinta howsha ay wadaan laakin waan u dhabar adeygnay mana ka quusanayno oo waan sii wadi doonaa tan iyo inta aan ka gaareyno ujeedkeena horumarinta cayaarta kubada cagta ee dalka Soomaaliya”sidaasi waxaa yiri xoghayaha xiriirka cabdi Qani Saciid Carab oo somsoccer.com la hadlay.
Somali Football Media Department
E-mail Somalifootballmedia@gmail.com
+25250 969815 :mobile
+25250 936224: office