Abdisalam isagoo yar ayuu tegay dalka
Bishan bilawgeeda ayuu ciyaartii labaad ee Arsenal kula ciyaaray garoonka weyn ee Manchester City Stadium halkaasi oo uu ka dhaliyey goolkii barbardhaca ee kooxdiisa ay heshay.
8da bishan May ayaa loo magacabay Abdisalam Abdulkadir Caddaay xulka qaranka dalka Norway ee 19jirada. Xulka ayaa ku ciyaari is reebreebka cayaaraha yurub, dalka Fransiska taariikhda marka ay tahay 18ka ilaa 24ka bishan.
Abdisalam waa wiil da'diisu ay aad u yar tahay intii uu xulka qaranka
Ina Caddaay wuxuu ka ciyaaraa khadka dhexe, sanadkan wuxuu wacdaro ka muujiyey cayaaraha dalka ingiriiska ka dhaca ee akadeemiga iyo reserve-ka
Abdisalaam Caddaay oo ka dhashay qoys sport ayaa walaalkiisa ka weyn sanadkii tegay u ciyaaryey xulka qaranka soomaaliya, waa Abdirashid Abdulqadir Caddaay. Aabaha dhalay Abdisalam waa Abdulkadir Ibrahim Cadaay wuxuu ahaa garsoore Caalami ee FIFA, ilaa iyo haddana wuxuu ka shaqeeyaa horumarka caruurta yar yar iyo sidii ay ugu soo biiri lahaayeen sportiga caalamka.
haddii aad taqaan afka Norwegian-ka magacaabidda Abdisalam Caddaay ka aqriso adiga oo click siinaya linkigan hoose.
http://www.fotball.no/t2.aspx?p=53176&cat=51835&x=1&a=249513
Somalifootball Media department
Email: somalifootballmedia@gmail.com
Cell: +25250 969815
Office: +2521 220176