Shirkii X/S/K/Cagta oo maanta looga hadlay qodobo xasaasi ah

Saturday May 02, 2009 - 21:30:39
0 Comments
2844
Shaafici Muxyidiin
Maanta ayaa xarunta xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta waxaa ka qabsoomay shir bileedkii xiriirka ee sida caadadu ahady bilowga bil kasta la qaban jiray waxaana shirkaasi oo uu shir guddoominayay guddoomiyaha xiriirka Siciid Maxamuud Nuur Mugaabe lagu qaatay go’aamo dhaxal gal ah.


Ugu horeyntii waxaa xubnaha guddiga fulinta xiriirku ay guddoomiyaha xiriirka ka dhageysteen war bixin ku aadan shirkii xiriirka kubada cagta dalalka carabta ee uu dhawaan kagasoo qeyb galay magaalada Riyaad ee dalka Sacuudiga ,shirkaas oo ujeedadiisu ahayd in lagu doorto gudoonka xiriirka UAFA ee 4-ta sanadood ee soo socota laakin markii dambe uu sheegay in dib loo dhigay laakin muddo sanad ah loogu kordhgiyay guddoomiyaha talada haya Amiir Naa’if-ka Sacuudiga, taas oo ku timid go’aan uu guddiga fulintu gaaray sida uu guddoomiyuhu sheegay.

 

Intaa kadib ayaa guddoomiye ku xigeenka xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Cali Saciid Guuleed waxaa uu gudiga fulinta uga war bixiyay kulan xiriirka iyo wasiirka dhex maray intii uu gudoomiyuhu safarka ku maqnaa waxaana uu guddoomiye ku xigeenku sheegay in kulankaasi uu kusoo dhamaaday is afgarad iyo si guul ah.

 

“Wasiirku fikirkii uu horay uga qabay xiriirka meesha waa uu ka baxay waxaana u sheegnay in uu xiriirku aqoonsan yahay qadarina u hayo wasiirka iyo wasaaradiisaba, waxaana ku balanay in aan yeelano kulamo kale wada shaqeyntana lasii balaariyo marka uu wasiirku soo dhameysto safar dibadeed uu haatan ku maqan yahay”ayuu guddoomiye ku xigeenka xiriirka Cali Saciid Guuleed yiri intii ay socotay war bixintiisii ku adanayd kulankii dhex maray wasiirka isboortiga saleebaan Colaad Rooble iyo xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta.

 

Sidoo kale Yuusuf Gacal Axmed (Gaabshe) oo ka mida xubnaha guddiga fulinta xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta ayaa isna guddiga fulinta uga warbixiyay kulan bishii lasoo dhaafay dhex maray guddiga olombikada soomaaliyeed iyo xiriirka kaas oo looga hadlayay wada shaqeynta labada dhinac, kaas oo ku dhamaaday jawi heer sare ah.

 

Waxaa kaloo uu gaabshe xiriirka war bixin ka siiyay tababar 6-13-kii bishii lasoo dhaafay loo qabtay macalimiinta kubada cagta Soomaaliyeed oo tiradoodu gaareysay 28 macalin, kaas oo uu Gaabshe ka ahaa u qeybsanaha xiriirka ee habka uu tababrkaasi u soconayay waxaana uu amaan ujeediyay labadii macalin ee tababarkaas bixinayay iyadoo sidoo kalana uu macalimiintii la tababarayay ku amaanay sida wanaagsan oo ay usoo xaadirayeen iyo asluub wanaaga iyo u ja jabnaanta kubada cagta oo ay muujiyeen intii tababarku socday.

 

Guddoomiyaha guddiga Fustalka ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Bashiir Maxamuud Geeseey ayaa isna waxaa shirkii maanta looga dhageystay warbixin ku aadan tartan fustal ah oo todobaadkii hore kusoo gabagaboobay garoonka Olympic fitness ee degmada Xamar weyne kaas oo ka koobnaa laba qeybood oo kala ah qeyb loo qabtay dhalin yaro iyo qeybta kale oo loo qabtay dad da’ ah, waxaana ka qeyb galay tartankaas 16 kooxood oo kala matalayay degmooyinka gobalka Banaadir.

 

Shir bileedkii xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta ee maanta ayaa waxaa lagu sheegay in sanadkan uu xiriirku qorsheynayo in uu qabto tababarro kala duwan sida tababar xaga maamulka ah oo  loo qabanayo xubnaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta,seminaar loo qabanayo garsoore yaasha xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta u diiwaan gashan si sare loogu qaado aqoonta garsooreyaasha kubada cagta Soomaaliyeed iyo sidoo kale seminaar loo qabanayo wariye yaasha wax ka qora cayaaraha kubada cagta ee dalka Soomaaliya si loo siiyo casharo ku aadan sida ay isula jaan qaadi karaan saxaafada iyo isboortiga gaar ahaan kubada cagta iyado seminarkaas lagu qaadan doono casharo la xariira shuruucda kubada cagta.

 

Somali football media department

 

E-mail: somalifootballmedia@gmail.com

 

Cell: +25250 969815

Office: +2521 220176



Leave a comment