Gudoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Mudane Siciid Maxamuud Nuur Mugaabe oo hadal ka jeediyay munaasabadii furitaanka tababarkan ayaa ku dheeraaday ka hadalka qorshaha wax qabad ee xiriirka u dagsan sanadkan oo ay ka mid tahay dhameystirka dayactirka ku soconaya garoonka kubada cagta Stadium Banadir.
“Waxaan dhawaan furnay xarumo lagu tababarayo caruur lagu bar baarinayo kubada cagta sidaa daraadeed waxaa uu xiriirku go’aansaday in uu tababar aqoonta loogu kordhinayo siiyo macalimiinta caruurtaas gacanta ku haya si loogusii dhiiri geliyo si farxadi ku dheehantahay in ay u gutaan waajibaadka qaran ee haatanba ay ku guda jiraan.”ayuu yiri gudoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Siciid Mugaabe.
Waxaa uu guddoomiyuhu sheegay in qorshaha xiriirka ay ka mid tahay in ka hor dhamaadka sanadkan la qabto tababarro noocyo kala duwan ah sida tababarka wariye yaasha ka faalooda kubada cagta, tababar dhinaca maamulka ah iyo tababar la siinyo dhaqaatiir iyo kal kaaliye yaal caafimaad oo haatan la shaqeeya xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta.
Guddoomiye ku xigeenka xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Axmed Nuur Cabdulle oo isna munaasabadii furitaanka tababarkan ka hadlay ayaa ku tilmaamay macalimiinta in ay yihiin tiirarka ugu waaweyn ee xiriirku uu ku taaganyahay si uu howshiisa usii wato.
“Amaan balaaran ayaan usoo jeedinayaa macalimiinta howlkarrada ah oo aan dhihi karno waqti iyo xoogoodaba way u hureen horumarinta cayaarta kubada cagta ee Soomaaliya”ayuu gudoomiye ku xigeenku ka sheegay munaasabadii furitaanka.
Guddoomiyaha gudiga Olombikada Soomaaliyeed ee dhawaan la doortay Mudane Aadan Xaaji Yabarow (Wiish) ayaa ku amaanay xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta wax qabadkiisa,waxaana uu kula dar daarmay dhamaan xiriirrada qaran in ay wax qabad intii hore ka weyn la yimaadaan sanadkan si loo muujiyo si weyn in loo dar dar geliyay qeybaha kala duwan ee cayaaraha Soomaaliyeed.
Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta ayay madaxdiisu sheegeen in ay aad ugu faraxsan yihiin in uu xiriirkoodu noqdo kii ugu horeeyay ee uu guddoomiyaha cusub ee GOS seminaar u furo tan iyo intii lasoo doortay 18-kii bishii lasoo dhaafay.
Tababarkan ayaa waxaa bixinaya khabiirrada kala ah: Cawil Ismaaciil iyo Cabdi Faarax Cali Geela oo ah tababaraha xulka qaranka Soomaaliyeed,waxaana ay labada macalin kula dar daarmeen macalimiinta tababarka qaadanaya in ay wixii ay bartaan usii gudbiyaan dhalinyarada haatan lagu bar baarinayo cayaarta kubada cagta ee xeryaha ku jira.
Ugu dambeyntii waxaa dhamaan macalimiinta mid kasta oo ka mida la gudoonsiiyay 10 kubadood si uu ugu kaashadao tababrarka uu siinayo caruurta lagu bar baarinayo cayaarta kubada cagta.
Somali football press department
Contact: somalifootballmedia@gmail.com
Cell phone +25250 969815
Office + 2521 220176